Puntland Oo Mar Kale Dawladda Federalka ah Hanjabaad cusub Hawada U marisay
Garoowey:15-Oct-2013(SDN)-Maamulka Puntland ayaa si Weyn uga soo horjeestay Heshiis dhawaan Dawladda Federalka ahi ay magaalda London kula gashay shirkaddacad Som Oil and Gas, oo ku saabsanaa sidii sahamin shidaal loog samayn lahaa Dalka Soomaaliya.
Shirkaas ayaa lagu martigaliyay shirkado, aqoonyahno Soomaali iyo ajaaniib ah oo si fiican ugu xeel dheer arrimaha shidahaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shirre oo ka hadlaayay shirk ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in Puntland aanay aqoonsanayn wax yaabaha looga hadlay shirkaas isla markaana ay cid kasta oo ay u aragto in ay shidaal ka soo saari karaan deegannadooda ay si madax banaan heshiis ula samaynsan karaan.
Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo isna ka hadlay shirka ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay in ay wadaan qorshe lagu kala fogeynaayo ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku eedeeyay in wax badan ka badaleen dastuurka kumeel gaarka sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Kheyraadka Puntland ayaa isna ku cel-celiyay in Puntland ay mar hore ay ka tashatay dowladda fedaraalka Soomaaliya isla markaana ay heshiis lagaleen shirkado shidaalka ka baadhaya deegannada Puntland.
Wasiirka ayaa dhinaca kale ku tilmaamay shirkii London mid aan wax badan laga sugeynin maadama uu gaar u ahaa dowlada Soomaaliya isla markaana xaq u lahayn in ay heshiis la gasho shirkad shidaalka sahmiya.
Wuxuu sheegay in cid kasta oo lagu arko iyagoo shidaal ka sahminaya deegannada Puntland haddii ay yihiin madaxda dowadda fedaraalka iyo shirkadda ay heshiiska lagaleen in laga qaadi doono tallaabo.
Hadalkana ka soo yeedhay maamulka Puntland, ayaa mar kale gaas ku sii shidi kara xidhiidhka aan lugaha adag ku taagnayn ee u dhexeeya Puntland iyo dawladda Federalka ah ee somaliya, waxana jira warwar ah inay labadaas maamul ay sii kala fogaadaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com