Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Hambalyo iyo Bogaadin Udiray Shacabka Reer Somaliland iyo Taageeraashiisaba
Hargeysa:15-Oct-2013(SDN)- Maadaama Shucuubta islaamku dhexd dabbaalanayaan mid ka mid ah ayaamaha ugu farxadda badan, ayaa waxa iska soo daba dhacaya hambalyooyooinka ay madaxdka kala duwan ee dalku dirayaan.
Guddoomiyaha Golaha wakiillada somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shucuubta reer somaliland, taageerayaashiisa iyo guud ahaanba umadda islaamka meel kasta oo ay joogaan.
Gudoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Xasan Dirir waxaanu u dhignaa sidan:-
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba gaar ahaan taageerayaasha Xisbi weynaha WADDANI, iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Adxa awgeed.
Gudoomiyuhu, isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda barakaysan ee Adxa waxa uu illaahay ka baryayaa in uu dambi dhaaf iyo janooyinkiisa ugu deeqo xujayda inagana inooga daba naxariisto.
Waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu nagaado.
Gudoomiyuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awgeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan, waxaanu ilaahay uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.
Gudoomiyuhu isaga oo ka faa’iidaysana munaasibada Ciida barakaysan ee Adxa, waxa uu shacbiga ugu baaqay inaynu wada ilaashano qaranimadeena oo ah raasamaalka kaliya ee aynu haysano, una midowno adkaynta nabad-galyadeena iyo wadajirkeena.
CIID MUBAARAK KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Md. Maxamed Xasan Dirir
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com