Xisbiga Ucid oo dhanbaal Hambalyo ah u diray Shacabka Somaliland Munaasibada Ciidul Adxa
Hargaysa 15.0ctober 2013 (SDN)- Hogaanka Sare Ee Xisbiga UCID Waxay Ay Dhambaal Hambalyo iyo Bogaadin Ah U Dirayaan Guud Ahaanba Shucuubta Islaamka, Gaar Ahaan Shacbiga Somaliland (meel kasta Oo Ay Joogaan Gudo iyo Dibadba), munaasibadda,Ciida Barakaysan, ee Ciidal Adxa awgeed.
Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yusuf Keyse A/laahi ayaa u dhignaa sidan:- Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, MurashaxaMadaxweynaha, Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID,Guddoomye Ku Xigeenada Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID waxa ay Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland (meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba), iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Adxa awgeed.
Xisbiga UCID waxa uu ILAAHAY uga baryay malaayiinka qof ee taagan buurta yoomal carafa ducadooda u aqbalo shacuubta islaamka,illaahayna wada jirkooda iyo nabadoodaba uu kor u qaado.
Xisbiga UCID isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda waxaan leenahay ku ciida farxad iyo caafimaad ishallah meelkasta oo aad dunida ka joogtaan.
Xisbiga UCID waxa uu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com