|

Shirkada Al-nuur oo Dharkii Ciidda Ugu Deeqday Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hargeysa Oct 15,2013(dhaymoole/SDN) Shirkadda agabka guryaha iyo xafiisyada ee ALNUUR Furniture ayaa maanta deeq maryaha ciidda ah ku wareejisay maamulka Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda wareejinta deeqdan ayaa maanta lagu qabtay xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, iyada oo ay deeqdaasin ka koobnayd dhar iyo kabo iyo guud ahaan qalabyada kala duwan ee ay carruurtu ku ciidaan oo ay shirkaddu ugu talo gashay  480 carruur ah oo ku jira Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Maxamed Yuusuf Cilmi oo u hadlay shirkadda ALNUUR Furniture ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ay deeqdan ku wareejiyaan maamulka xarunta agoomaha, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kaalmaynta carruurta agoomaha ah iyo fadliga ku jira.

“Waannu ku faraxsannahay inaannu maanta deeqdan ku wareejinno Xarunta agoomaha. Waa deeq ka kooban maryaha dhar iyo kabo iyo agab kale oo aannu ugu talo galnay in ay ku ciidaan 480 carruur ah oo ku jira xaruntan, xataa haddii ay tahay biibbiilihii ay carruurta qaarkood ku cayaari lahayd. Maryaha mid kasta oo carruurta ka mid ah waannu ku soo qiyaasnay” ayuu yidhi Maxamed .

Mr.Maxamed waxa kale oo uu  u mahad-naqay maamulka xarunta agoomaha sida fiican ee ay nooga gudoomeen, iyagoo sheegay in ay yihiin shirkaddii ugu horeysay ee Qalabka intaas leeg ugu tabarucdda. waxaananu rajeynaynaa in aanu sii wadno,

Agaasimaha xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa Marwo Caasha Maxamuud Qaalib ayaa iyaduna u mahadnaqday shirkadda ALNUUR Furniture ee had iyo goor la garab taagan caawinta carruurta, iyada oo ganacsatada waaweyn ugu baaqday inay ku daydaan.

“waxa na loo keenay gaadhi ay nooc waliba saaran yihiin, waxaana ku jira dhammaan dharkii ay ku ciidayeen carruurtu illaa ilmaha dhashay illaa ilmaha ugu weyn. Shirkaddan iyo mulkiilaha  da’da yar ee Cabdiraxmaan-ALNUUR, maaha markii ugu horreysay ee uu keeno ee ciid walba oo timaadda, ciidal-fidriga iyo ciidda carrafaba, carruurta wuu ka farxiyaa oo isagaa u soo iibiya dhammaan dharka ay xidhaan carruurta halkan ku jirtaa, si ay uga qayb qaataan farxadda munaasabadda ciidda”.Ayey tidhi Marwo Caasha, iyada oo intaas raacisay: “Waa ganacsadihii ugu horreeyey ee inta uu kafaalo-qaado ku wada, manaan arag xataa ganacsatada ka waaweyn qaar marna soo xasuusta xarunta, waxaan odhanayaa uun Ilaahay waxaad haysato ha ku barakeyo.”

Marwo Caasha waxay sheegtay in ay shirkadda Al-Nuur iyadu iskeed tabarucan u fiddisay, Islamarkaana ay tahay shirkaddii ugu horeysay ee waxtarka intaa leeg u fidisa Xarunta agoomaha iyagoo waliba aan ka dalban oo aan yabooh weydiisan. waxaana ay shacbiga kale iyo shirkaddaha ugu baaqday inay ku daydaan Mulkiilaha Shirkadda Al Nuur.

Guddoomiyaha Xarunta Agoomaha  Marwo Caasha Maxamuud Qaalib, ayaa sheegtay in ay Carruurta Dharkan loo keenay ay aad u faraxsan yihiin, waxaanay xustay in Shirkadda Al-Nuur Furniture Dharkan ay shalay ku wareejisay ahayn markii ugu horreysay ee ay Deeq nuuceeda ah u keento Carruurta ku jirta Xarunta Agoonta Hargeysa.” Ayey tidhi Guddoomiyaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Marwo Caasha.

Shirkadda ALNUUR Furniture ayaa iyadu sannad kasta labada ciidood ee Islaamka kafaalo-qaadday maryaha ay ku ciidayaan iyo guud ahaanba agabka ay ku cayaarayaan carruurta ku jirta xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Comments are closed