Shaqaalaha Dawlada Somaliland oo Shaqooyinka fasax ka ahaan doona Mudo laba cisho ah Munaasibada Ciidul adxa awgeed
Hargaysa 14.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada md Maxamuud Axmed Barre [ garaad] ayaa ku wargaliyay dhamaan shaqaalaha weynaha dalka in ay munassibadda ciidal axdaha awgeed fasax ka yihiin shaqada labada maalmood ee ciidal adxaha ,.
War saxaafadeed uu arintaas kasoo saaray wasiirka shaqada iyo arimaha Bulshadu oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa waxa uu wasiirku ku sheegay in dhamaan shaqaalaha weynaha somaliland ay shaqada fasax ka yihiin malmaha ciidal adxa oo ku beegan 15ka iyo 16ka bishan Oktoobar waxaana uu ilaahay ugu baryay in sanadka sanadkiisa ay ku gaadhaan cimri dherer iyo caafimaad qab.
Geesta kale Gudoomiyaha hayada shaqaalaha dawlada md nuux sheikh muuse ducaale ayaa ku wargaliyay shaqaalaha dawlada in shaqada ay ka nasan doonaan labada maalmood ee ciiddal adxaha oo ku beegan taariikhada 15 iyo 16 oct 2013 isagoo hanbalyo u diray dhamaan shaqaalaha dawlada sanadka sanadkiisana u rajeeyay in ay ku gaaadhaan caafimaad qab iyo horumar.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com