Somaliland oo Mamnuucday Inay Xuduudeeda ka Gudbaan dad Sita Basaboorka Somalia
Hargaysa 14.October 2013 (SDN)- Xubno ka tirsan G/wasiirada Somaliland ayaa maanta la kulmay wafti ka socda dawlad deegaanka soomalida Ethoipia oo dhawaan dalka yimid.
Wasiiradda Somaliland ee la kulmay wafdiga ethoipia oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha j sl cali maxamed warancadde ayaa waxa ka mid ahaa wasiirka wasaarada warfaafinta wacyigalinta iyo dhaqanka md cabdilaahi maxamed daahir [ cukuse] wasiirku xigeenad a wasaarada arimaha gudahataliyaha ciidanka booliiska j sl sareeye guuto cabdilaahi fadal iimaan , taliyayeyaasha laanta socdaalka iyo ilaalada xeebaha.
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha j s l md cali maxamed warancade oo kulankaasi ka dib la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac isagoo sheegay in Somaliland iyo dawlad deegaanka somalilada ethoipia in ay yihiin laba dawladood oo walaalo ah islamrkaana uu ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagasani, kulanka maantana lagaga wada hadlayay sidii loo sii wanaajin lahaa xidhiidhada iskaashi ee ka dhaxeeya labada dawladood oo ay ugu muhiimsanyihiin nabadgalayada iyo xog is weydaarsiga.
Dhanka kale wasiirku waxa uu sheegay in ay jiraan dad sita baasaboorda dawlada aynu jaarka nahay ee somaliya kuwaas oo ka gudba xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo ethoipia sidaa daraadeed wixii maanta ka danbeeya ay somaliland joojisay gabi ahaan in xuduudeeda ay ka gudbaan dad sita baasabooradaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com