Wasiirka Cadaalada oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay inay Is faro saareen Agaasimihiisa Guud
Hargaysa 14.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Md Xuseen Axmed Cadiid ayaa maanta shir jaraa id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku beeniyay warar uu sheegay in ay yihiin kuwo aan sal raad toona lahayn oo ay warbaahinta maxaliga ah eedalka qaarkood ku faafiyeen in ay is fara saareen agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada iyo wasiirku.
Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka Md Xuseen Axmed Caydiid oo shirkiisa jaraa id kula hadlay warbaahinta ay ka waramay warar wargaysyada qaarkood ay faafiyeen , kuwaas oo sheegayay in ay is faro saareen agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada waxaanu wasiirku dhacdadaa ku tilmaamay mid aan jirin oo an sal iyo raad toona lahayn.
WaxaanA Wasiirku intaa raaciyay in warbixinaha noocaas ah ee wargaysyada qaarkood ay baahinayaan ay tahay mid looga gol leeyahay in lagu iib galiyo wargaysyadaas taas oo saamayn fool xun leh waxaana uu u jeediyay masuulyiinta wargaysaydaasi in ay ka waantoobaan talaabooyinka noocaas ah..
Dhinaca kale wasiirka wasaraada cadaalada oo ka hadlayay qaadhaan loo uruurinayay maxkamada gobolka gabilay ayaa ku tilmaamay arin lagu canbaaraynayo xukuumada ,
Wasiirku waxa sidoo kale uu sheegay in la hor gayn doono gudida cadaaladda qaranka garsoorihii lugta ku lahaa arintaasi oo uu ku tilmaamay fadeexada la doonayay in qaadhaan loogu uruuriyo maxakamada gobalka gabilay, xukuumada Somaliland ay tahay xukuumadii ugu tayada fiicanayd ee dhinaca adeega garsoorka dhan kastoo loo eego.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com