Haween Weynaha Somaliland oo u Tafo xaydan inay Baarlamanka Ka Helaan Kuraas aan tartan loo Gelin iyo Weedha Gudoomiye Cirro
Hargaysa 14.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee JSL Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Marwada madaxweynaha marwo Aamina X Maxamed Jirde ayaa ka qayb galay kulan loogu gogol xaadhayey sidii haweenka Somaliland Kuraas aan tartan loo gelin uga heli lahayeen golayaasha Baarlamaanka
Kulankan oo lagu qabtay caasimadda Hargaysa ayaa waxaa kaloo ka soo qayb galay xildhibaano,wakilada ururada haweenka ee dalka, hay’adaha caalamiga ah qaarkood, ururada wadaniga ah ee dhinaca samafalka, madaxda jaamacadaha qaar ka mid ah,
Gudoomiyaha daladda haweenka ee NEGAAD marwo kaltuun sh xasan oo kulankaasi ka hadashay ayaa soo jeedisay in laga wada hawl galo sidii haweenku uga muuqan lahaayeen siyaasadda wadanka isla markaana si furan oo aan tartan ku xidhnayn kuraas ugaga heli lahaayeen Golaha Baarlamaanka.
Hadal ay halkaa ka jeedisay Marwada madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamed Jirde ayaa waxa ay haweenka dalka ku boorisay inay muujiyaan kalsooni laga dareemi karo inay diyaar u yihiin ka qayb qaadshada talada dalka, waxana ay u rajaysay inay isku duubnidooda iyo wada tashigoodu keeni karo inay gaadhaan hadafkooda ku aaddan helitaanka kuraasta ay ku leeyihiin golayaasha.
Dhankiisana Gudoomiyaha Golaha wakiilada Md C/raxmaan Maxcamed Cabdilaahi (Cirro) ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee waddani ayaa hadal uu kulan-weynahaa ka jeediyey waxa uu sheegay in haweenku rabitaankooda ku gaadhi karaan iyagoo dhamaan ururadooda iyo qaybahoodu u midoobaan helitaanka kuraasta golayaasha qaranka, halka sidoo kalena uu ballanqaaday inay Gole ahaan taagei doonaan qorshayaasha la xidhiidha xuquuqaha haweenka guud ahaan.
Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Hormoodka kuliyadda xallinta khilaafaadka ee jaamacadda hargaysa Prof Aadan X Cali Axmed oo kulankaa hadalo ka jeediyey ayaa iyaguna soo dhoweeyey himilada iyo dadaalka haweenka Somaliland ku raadinayaan xaqqa ay u leeyihiin ka qayb galka siyaasadda wadankan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com