|

Dhaq Dhaqaaqa iyo u diyaar Garowga Munaasibada Ciidul Adxa ee Somaliland iyo Somalia

Hargaysa 14.October 2013 (SDN)- Diyaargarowga Ciiddul Adxaa oo ku beegan berry ayaa laga dareemayaa magaalooyinka iyo tuulooyinka gobollada dalka Somalia Guud ahaan , sida ay ku soo warramayaa weriyayaasha Shabakada Qurbejoog.com .

Waalidiinta ayaa carruurtooda u iibinaya dharka ciidda iyo qalabka lagu ciyaaro, si ay maalinta ciidda uga qeyb qaataan farxadda ciidda.

XOOLAHAQaar katirsan dadka u diyaar garoobaya ciidda ayaa Qurbejoog u sheegay in ciiddan ay waxyaabo badan ugu duwan tahay ciiddihii hore, marka ay timaado dhinaca ammaanka iyo horumarka dalka.

Roobka deyrta ayaa xilligan ka da’ay deegaanno badan oo ka tirsan dalka, taasoo qeyb ka ah waxyaabaha ciiddan ay ugu duwan tahay kuwii hore.

Xujeyda ayaa maanta taagan banka Carafa, berri oo bisha dil-xaj ay ku beegantahay 10, lagana ciiddi doonoa dunnida Islaamka.

Geesta kale Magaaalooyinka Somaliland ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq aad u hooseeya oo ku aadan Munaasibada Ciidul Adxa iyadoo ay Qaybaha kala duwan ee Bulshada ka Muuqato xaalad busaaradeed,Wax ka iibsiga Suuqyada Magaalooyinka ayaa aad u hooseeya sidoo kale Saylada Xoolaha ee Magaalooyinka Somaliland ayaa Hawlahoodu Xaami yihiin .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed