|

Mas’uuliyiin Qumannahoodu Qoorta U Sudhan Yahay Oo Shalay Ku Kala Calaf Qaaday Feedhka Miisaanka Dhexe Iyo Wasiir Ilkuhu Dhaqaaqeen Oo Agaasimihiisii Shaqada Ka Joojiyey

Hargeysa:14-Oct-2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed caydiid iyo  Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Abiib Axmed Cali ayaa la sheegay inay shalay Faraha isula tageen kadib markii dagaal  fool ka fool ah oo adag   xafiiska hoosta isaga soo xidheen,  iyadoo la waayay cid kala qabata.

 

caydiidkaMa Jiro war rasmi ah oo ka soo baxay   gacan ka hadalka wasiirka iyo agaasimihiisa guud hase ahaatee  wararka laga helo ilaha u dhuun daloola wasaaradda Caddaaladda  ayaa  tibaaxaya  in khilaaf beryahanba wasaaradda ka dhex taagnaa uu  sababay in labada Masuul  shalay  is gacan saaraan, kaas oo  inta la ogyahay  la sheegay inuu   khasaare soo gaadhay wasiirka oo Nabaro ay ku dhaceen.

Dagaalkan ayaa lagu macneeyey  inuu salka ku hayo  arrimo maamul, balse ilaa hadda midkoodna kamuu hadal dagaalkaas iyo waxa sababay. Hawlwadeenno ka tirsan Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com oo  isku dayay inay wax ka ogaadaan utanta gacan ka hadalkaas ayaanay u suurto gelin kadib markii ay noo suurto geli weyday inaanu khadka telefoonka ku helno wasiir Xuseen Axmed Caydiid iyo Agaasime Abiib Axmed Cali, iyagoo telefoonnadooda gacanta (Mobile) naga qaban waayay.

 

Hase yeeshee Warar xogogaal ah oo aanu  Helay ayaa tibaaxaya in Wasiirku uu isla shalayba dagaalka ka dib shaqadii ka joojiyey Agaasimaha guud ee wasaaradda ee gacan ka hadalku dhex maray.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa warku tilmaamayaa in Wasiirku dhaawac ka qabo Ilkaha inkastoo aan si rasmi ah oo shaacin natiijadda ka dhalatay dagaalka iyo sababta kelliftayba.

Labada Masuul ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa lagu sifeeyaa inay yihiin laba Baar-qab oo midkoodna aanu Kaftamin, kuwaas oo Qummanahoodu qoorta u sudhan yahay mid kasta.

Maamulka wasaaradda ayaa iyaguna  shalay ku dadaalay inaanay xaaladdu dibada u bixin   iyagoo isla markiiba arrinta dagaalka  dembabasay lagana  ilaaliyay in  warbaahintu xog ka hesho waxaana   Dhammaan Laamaha Wasaaradaasi  lagu amray in aanay war bixin waxaana isla markiiba lala galay shir deg deg ah oo xaaladda soo food saartay Madaxdooda ku saabsan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed