|

Golaha Guurtida oo ansixiyay Qaadhaan lacageed kaga qayb qaadanaya Dhismaha Wadada Ceerigaabo iyo Burco

Hargaysa 12.October 2013 (SDN)- Mudanayaasha Aqalka Guurtida Somaliland ayaa Maanta Ansixiyay Boqol Dollar oo u dhigantay ilaa todobaboqol oo Shilling-ka Somaliland ah, kaasi oo ay ka jarayaan Mushaharkooda mudo hal sano ah si ay ugu deeqaan dhismaha wadada Ceerigaabo.

 

GuurtidaMudanayaasha ayaa u codeeyay soojeedinta Guddi hore golahaasi ugu saaray ka talabixinta Boqolkaasi oo mudane kastaa ka jaro mushaharkiisa, waxaana Ogolaaday 33 mudane oo ka mida 43 xildhibaan oo fadhiga ka soo qayb galay, 8 mudane way diideen halka hal mudane ka aamusay gudoomiyuhuna aanu codayn sidaasi ayaanu ku Ansaxay Boqolkaasi Dollar ee mudanayaashu ka jarayaan Mushaharkooda laga bilaabo Bishan October sanadka 2013 ilaa October-teeda kaleee 2014-ka.

 

Golaha wakiilada ayaa iyana hore u Ansixiyay Boqol kaasi dollar, inkasta oo ay wali jiraan Mudaneyaal Diidan Ansixinta Boqolkaasi Dollar. Mushaharka Mudanayaashu ka jarayaan Mushaharaadkooda ayaa ka dambaysay Olole Xukumaddu wado oo ku Aadan sidii qaadhaan loogu Ururin lahaa Dhismaha jid ka Burco iyo ceerigaabo isku xidha.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed