Shirkii Midowga Afrika oo la soo gabo gabeeyay,laguna Go’aamiyay inaan Maxkamada ICC u Yeedhi karin Madaxweyne amase ku Sime Madaxweyne
Addis Ababa 12.October 2013 (SDN)-Shirkii madaxweyneyaasha waddamada Midowga Afrika uga socday dalka Ethiopia ayaa lasoo gaba-gabeeyay maanta, iyadoo laga soo saaray go’aanno ay ka mid yihiin in aanan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) looga yeeri Karin madaxweyne ama ku-sime madaxweyne inta uu xilka haayo.
Madaxda Afrika ee shirka ka qeyb-galay ayaa isku raacay in loo baahan yahay in madaxda xilalka haaya lagu xushmeeyo waqtiga ay xilka haayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa shirka ka qeybgalay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaba-gabada shirka kadib kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni, isagoo kala hadlay xiriirka labada dal arrimaha ciidamada AMISOM iyo xoojinta ammaanka ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha Ethiopia.
Addis Ababa SDN.
Qurbejoog.com