|

Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Jabuti oo ka wada hadlay aragtidooda Maxkamada dhagaraha addduunka ee ICC

Addis Ababa 12.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya shirka madaxda Afrika ee Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa ka hor kulanka la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo kala hadlay iskaashiga labada dal iyo aragti mideysan oo ku aaddan arrinta maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC oo looga hadlayo shirka.

La-taliyaha madaxweynaha ahna afhayeenka sare ee madaxtooyada Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in shirka oo looga hadlayo arrimaha maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC-da iyo falalka argagixisada ah uu hadda ka socda xarunta midowga Afrika ee Addis ababa.

Xasan-Sheekh-iyo-Geelle-300x200Shirka ayaa waxaa furay hoggaamiyaha midowga Afrika ee xilligan Jacob Zuma oo ah madaxweynaha Koonfur Afrika, waxaana furitaanka hadal ka jeediyay raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo shir guddoominaya shirka, isagoo xusay in ICC-da ay u direen codsiyo badan oo ku saabsan inay wax ka beddesho qaabka ay u qaaddo dacwooyinka, balse aysan ka helin wax jawaab ah.

Madaxda ayaa lagu wadaa in go’aan mideysan ay ka soo saaraan arrinta Maxkamadda ICC-da oo ay ku sheegeen in ay tahay mid lagu bar-tilmaameedsado madaxda Afrika oo kaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirka marka uu soo gabagaboobo Axadda la kulmi doona qaar ka tirsan madaxda ka qeyb-galeysa shirka oo ay ugu horreeyaan ray’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Uganda, Uhuru Kenyatta iyo Yuweri Museveni, isagoo kala hadli doona iskaashiga iyo xoojinta dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed