Wax Garad Iyo Cuqaal Dawladda Somaliland Ka Dalbaday Inay Tallaabo Ka Qaaddo Shabakad arrimo Foolxumo ah Masuuliyiin Ka Qortay
Hargeysa:12-Oct-2013(SDN)- Xubno ka tirsan Waxgaradka iyo Odayaasha Beelaha Deggan Somaliland, ayaa si kulul u Beeniyey War Shabakadda wararka ee Balligubadle Media ka qortay Siciid Axmed Jaamac oo ah Muwaadin reer Somaliland ah.
Odayaashan ayaa ayaa meesha ka saaray war ay shabakaddani ku sheegtay in Siciid Axmed Jaamac uu ka tirsan yahay ururka Alshabaab, waxana ay sheegeen in shabakaddani hagardaamo iyo dhibaato kula dhex jirto bulshada reer Somaliland una baahan tahay in tallaabo wax ku ool ah laga qaado.
Shir jaraa’id oo odayaashani shaly galab ku qabteen Hoteel shiraaqle ee magaaladda Hargeysa ayey ku sheegeen in muwaadinkaasi lagula kacay fal dil ah, isla markaana war aan jirin laga qoray,waxaanay xukuumadda ka dalbadeen inay arrintaasi wax ka qabato si aanay dadka shacabka ahi iskugu dhicin.
Maamulaha laanta Burco ee shirkadda Afrikaan Online Siciid Axmed Jaamac oo ah muwaadinka warka beenta ah laga qoray ayaa sheegay in aanay warkaasi waxba ka jirin, isla markaana sharciga la tiigsan doono cidiii warkaasi qortay, isagoo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaanu shirkan u qabanaynaa war ku soo baxay Balligubadle Media oo ay qortay bishan sideedeeddii ay aniga oo ah Siciid Axmed Jaamac ay leedahay waxa uu markii hore joogay Hargeysa waxaana imika loo magacaabay taliyaha AL-SHABAAB ee magaaladda Baraawe, runtii waa wax aad loola yaabbo, been abuur intaas leeg, anigoo ku sugnaa labadii bilood ee u dambeeyey magaaladda Hargeysa dadkii warkaasi maqlay aad ayay ula yaabeen, waana arrin qofka niyad ahaan iyo maskax ahaan lagu dhibaataynayo,sidaa awgeed waxaanu maanta halkan ka beeninaynaa warkaasi inuu warkaasi yahay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, Aniguna aan ahay siciid Axmed Jaarka lagu qoray mareegtaasi.”
“Waxaan soo jeedinayaa in dadka waxaas beenta ah iga qoray ee sharaftaydii wax u dhimay in sharciga la ii horkeeno oo la iiga jaro dhibaatada ay ii geysteen.waxa kale oo nasiib darro ah in ay igu lifaaqeen magaca shirkadda Afrika Online oo ay yidhaahdeen waa maamuleheedii guud taasina aanay waxba ka jirin, maamulihii shirkada waa la yaqaanaa oo anigu qayb baan ka ahay oo odayaasha shirkada ayaan ahay, marka been abuurkaasi wuxuu wax u dhimay sharaftaydii, tii shirkada, waxaan u mari doonaa dariiqooyinka loo maro, waxaan u sheegayaa muslimiinta iyo dadweynaha in arrintaasi tahay mid been abuur ah oo ay tahay cadaawad badheedh ah oo layla beegsaday naftayda iyo maalkaygii, marka waxa loo baahan yahay in qofka cirdigiisa iyo maalkiisa la ilaaliyo,” ayuu yidhi Siciid Axmed Jaar.
Jaamac Cabdi oo ka mid ah waxgaradka beesha uu ka soo jeeddo muwaadinkani ayaa yidhi “Waxaan cadaynayaa in sheekh Siciid Axmed waxa ay ka qortay shabakada Bali-gubadle Media ay tahay been aanay waxba ka jirin. waxaan leeyahay saxaafada aan xafiiska lahayn ee gaadhiga lugu siddo ee beenta suuqa ka soo ururiya, waxaan ka codsanayaa xukuumada inay tallaabo ka qaado dadkan beenta ka sheegaya dadka madaxda iyo culimadda ah ayaan ka codsanaynaa hay’adaha nabadgalyada ee og in aanu siciid waxaasi gali Karin oo xog ogaalka u ah.”
Odayaashan ayaa ugu dambayntii xukuumadda ka codsaday inaanay umadda ku sii daawan shabakadaha noocan oo kale ah Bulshada dhexdeeda, waxana ay xuseen in laga hortago isku dhac Bulsho oo shabadani waddanka u horseeddo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com