Madaxweyne Xasan Sheekh oo Iskaashi Caalamka kala yeelanaya Xidido u saarida Kooxda Alshabaab
Muqdisho 11.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in caalamka ay kala kaashanayaan sidii al-Shabaab looga ciribtiri lahaa dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in marka uu berri ka qeyb-galo shirka hoggaamiyaasha Afrika ee ku saabsan maxkamadda dambiyada caalamka ee ICC-da ay si wadajir ah farriin ku saabsan dagaalka xagjirka ah ugu diri doonaan caalamka intiisa kale.
Wuxuu xusay in hoggaamiyaasha qaaradda ay muujin doonaan midnimo ka dhan ah argagxisada iyo kooxaha xagjirka ah ee dhibaatada ku haya Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guusha kaliya ee Soomaaliya u dhiman ay tahay baabi’inta fikirka kooxaha xagjirka ah.
Xasan Sheekh ayaa carrabaabay in dowladdiisu ay waddo dadaallo ku aadan wacyegelinta dhallinyarada iyo waaxbaritooda, si ay meesha ugu baxdo fikirka xagjirka ee laga dhaadhacsiiyo dhalinyarada.
Channel –ka Aljazeera ayaa hadalkan kasoo xigatay bogga xafiiska madaxweynaha uu ku leeyahay barta arrimaha bulshada ee Twitter-ka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com