Midowga Africa oo ka Wada Xaajoonaya waxa ay ka Yeelayaan Maxkamada dhagaraha adduunka ee ICC
Addis Ababa 11.October 2013 (SDN)- Magalaada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia ayaa waxa maanta 11 Oct, 2013 ka furmay shir Midowga Afrika ay uga arinsanayaan Maxkamada Danbiyada Caalamiga ee ICC.
Midowga Africa ayaa ku edeeyay ICC inaysan dhexdhexaad u ahayn Qaarada Afrika, ayna bartilmaameedsaneyso hogaamiyaasheeda.
ICC ayaa xadgudubyo ka dhana bini’aadanimada u haysata Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto sanadiii 2007-2008.
AU waxay dalbatay in laga noqdo dacwadaha loo haysto Kenyatta. Waxana Kenya ay ka dhex wadaa Midowga Afrika olole ay ku dooneyso in lagu baajiyo maxkamadaynta Kenyatta.
Wasiirka Arrimaha dibadda Tedros Adhanom ayaa waxaan la qaadan Karin ku tilmamay go’aanka ICC ee maxkamadaynta madaxda Afrikanka.
Dalalka dhaca Geeska Afrika ayaa taageersan in laga baxo xubinimada ICC, halka kuwo ku yaal galbeedka ay diidanyihin , waxana Koonfur Afrika ay hormuud ka tahay dalalka ka soo horjeeda in AUka baxdo xubinimada.
Addis Ababa SDN.
Qurbejoog.com