|

Kenya: oo Xabsiyada u Taxaabtay dad Somaliyeed oo Xujay ah iyo Safiirka Somalia ee Kenya oo ka hadlay

Nairobi 11.October 2013 (SDN)- Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ilaa 23 muwaadiniin Soomaaliyeed ah lagu xir xiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dajiraha ayaa sheegay in dadka la xiray ay ahaayeen Xujey ku sii jeedaydalka Sacuudiga, kuwaas oo baasaboorro Soomaali ah oo ay wateen loo saaray sharciyo degganaasho oo been-abuur ah.

Photo File

Photo File

”Arintan waan ka war hellnay waxaa ay u xirran yihiin laamaha nabad-galyada dowladda kenya waa 23 muwaadiiniin Soomaali ah oo ku sii jeeday dalka Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka,” ayuu yiri danjire Ameeriko.

Waxaa uu sheegay danjiraha in dadka la xir xiray ay ka mid yihiin dad waayeel ah oo sida la sheegay ka yimid xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee gobolka W/bari dalka Kenya, waxaana uu safiirku sheegay in ay wadaan dadaal ay doonayaan in ay ku sii dayaan dadkan.

Laamaha nabad-galyada dowladda Kenya ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday dhismaha Westgate Mall siweyn uga foojignaa weeraro kale oo argagixiso oo ka dhacay dalkaas, iyaga oo si dhaw ula socday dhaq dhaqaaqa garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed