“Waanu idiin balan qaadaynaa,in aanu doonayno inaanu n Qaranka wax tayo leh ugu tagno” Garyaqaanka Guud ee Somaliland
Hargeysa 11.October 2013 (SDN)- Garyaqaanka Guud ee dawlada Somaliland Ibaarhim Iidle Sulaymaan ayaa soo gabagabaayey shir qaran oo lagu fallanqaynayey qabyo-qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda.
shirkani oo hudheelka Mansoor ee magaalada Hargeysa ka soconayey muddo laba maalmood ah ayaa maanta lagu soo xidhay waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socday hay’aha madaxbannaan ee dawliga, wasaaradaha iyo wakaaladaha qaranka.
Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa ka hadlay Xidhitaanka Shirkaasi, waxaanu yidhi “ waxaan u mahad naqayaa dhamaan ka soo qayb galayaa shirkan labada maalmood socoday, ee ka kala socday qaybaha kala duwan ee Dawlada Somaliland, Wasaaradaha, Hay’ada, Wakaaladaha, waxaanan ugu mahad naqayaa qaybtii lixaadka lahayd ee ay ka qaateen hawshan, waxay hawshaasi ahayd ka qayb qaadasho, wax ku daris kaabid iyo sixid, nusqaanta bini aadamka ayey ku jirtaa in wixii la soo diyaariyo la kaabo, waxa aynu halkan isugu nimdina waxay ahayd inaad ka kaabtaan, anagana wuxuu noo ahaa wax koradhsi, waxana noo baxya fahan ka balaadhan iyo aqoon idinku jirtay oo xagayaga ka maqnayd, waxaanu helnay fikarad kaabe ah oo wax ku daraysa Xeerkan, taasi oo ka dhigaysaa mid midho dhal ah.”
Mudnae Iidle ayaa intaasi ku daray “ hawshu waxaanu markii hore ku ahayn xafiiska Garyaqaanka guud, lataliyeyaashiisa sharci iyo kuwiisa maamul laakiin waxaanu shirka ka helnay, tallo balaadhan oo mid Siyaasi leh, oo mid maamul leh, oo mid sharci leh, oo mid khibradeed leh, kuwaasi wax noo taray, waanan idinka mahad celinayaa, inay taladiinaasi Xeerka ka muuqatana waanu idinka balan qaadaynaa, Xeerkan waxaanu doonayaa in Qaranka wax tayo leh ugu tagno, oo aynu u samayno wax maalin walba wax lagu daro, idinkuna aad noqotaan aas-saaseyaashii dhagaxii ugu horeeyey dhigay.”
Garyaqaan Ibaahim ayaa sidoo kale u mahad celiyey Wasaarada Madaxtooyada waxaanu yidhi “ Waxaan u mahad naqayaa Wasaarada Madaxtooyda oo qayb lixaadle ku lahayd fududayna, hagida, iyo Kharash bixinta xeerkani, oo bilow iyo dhamaandba qayb libaax ka qaadatay hawshiisa, waxanay taasi cadaynaysaa sida ay Xukuumadda Somaliland ugu go’an tahay samaynta iyo dhaqan galka xeerka Nidaamka Xukuumadda.” Ayuu yidhi Garyaqaan Ibrahim Iidle.
Agaasimaha Komishanka Dhawrista Tay’ada Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdale (Biikalo) oo ku hadlaya afka Ha’yada dawlada ee oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ xafiisku wuxuu inoo keenay qabtyo qoraal ku saabsan xeer nidaamiyaha dawlada, oo ay ugu dalo galeen in dhamaan Hay’ada iyo Wasaarada dawladu ay wax ka dhimis iyo kaabis ku samaayeen, runtii halkan dood ayaa lagu galay, falanqayn dheer ka dib tallo ayaanu gudbinay, xeerkani waa mid aad loogu baahan yahay.” Ayuu yidhi Mr. Biikalo.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warshadaha Cabdi Axmed Nuur (Guray) oo ku hadlay afka Agaasimayaasha Guud ee kulankaasi ka qayb galay ayaa yidhi “ in xeerka la soo diyaariyo baaahi ayaa keentay, baahidaasina waa qabyada ka muuqadata Qarankeena, sidaas daraadeed waxaan rajaynayaa in baahiyadihii soo baxay iyo qabyadii jirtay ee is qabqabsigu ka mid ahaa iyo gaabis jiray inuu xeerkani dhamays tiri doono ayaa rajaynayaa, waxanay filayaa inuu buuxin doono dhamaan dhaliishaasi.” Ayuu yidhi Agaasime Cabdi Guray.
Xeerka Nidaamka Xukuumadda hada uu qabyadiisa gacanta ku hadayo Garyaqaanka Guud ee Qaranku ayaa kala xaddayn doona awoodaha masuuliyiinta qaranka iyo hay’adaha kala duwan ee dawliga ah.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com