|

Doon ay Saaran yihin In Ka Badan 110-qof Oo Dhex Heehaabaysa Badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga iyo Qaylo-dhaan ay Dirsadeen

Roma:11-Oct-2013 (SDN)- Wararka ka imanaya Badda u dhaxaysa Wadamada Libiya iyo Talyaaniga, ayaa sheegaya inay tahriibayaal u badan soomaali ay ku xanniban yihiin halkaas   markii labaad muddo toddobaad ah.

doontaydaDoontan la sheegayo inay haatan ku xanniban tahay badda, ayaa waxa saaran ugu yaraan 110-qof oo ay ku jiraan 30 dumar iyo 20-carruur ah, kuwaasoo tan iyo shaley ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Libya.

Gabadh la dhalatay mid ka mid ah dumarka la socda doontan ku go’doonsan oo ku sugan xerada IFO ee dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegtay in ogaadeen in ay ka mid tahay dadka la socda doonta.

Sahra Nuur Cabdulaahi Faarax ayaa sheegtay in markii ay ka maqleen Idaacadda warka ku saabsan doon ay la socdaan dad Soomaali ah oo ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Liibya iyo Talyaaniga, ay yaqiinsatay inay doontaasi tahay middii ay walaasheed raacday, waxana ay tilmaantay inay warwar badan haatan la deristay.

Mar la weydiiyay wax yaabaha ku kalifay in walaasheed ay u badheedho khatartaas, waxaa ay sheegtay in waxyaaba ku kalifaya dhallinyaro badan oo iskaga taga dalka ay sabab u tahay sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida la socota doonta ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Libya  iyo Talyaaniga ayaa wax gurmad ah helin tan iyo shaley markii ay ka soo baxeen dalka Libya.

Halista badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga ayaa maalmahan korodhay, waxana muddo aan ka badnayn Toddobaad  baddaas ka dhacday shil culus oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 300  oo qof oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo badda ku halaagsamay.

 

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah iskugu xil saartay inay badbaadiyaan dadkaas musiibada la deriska ah, waxana in badan la wargeliyey ciidamada badda talyaaniga oo haatan la sugayo inay tallaabo qaadaan.

S.D.N

Contac@somalidiasporanews.com

Comments are closed