Turkiga oo sheegay in lacag mucaawino ah oo Soomaaliya ku socotay in ciidamada Kenya ay gacanta u gashay
Nairobi Oct 11,2013(SDN)-Ururka laanqeyrta cas ee dalka Turkey ayaa shaacisay in ciidamada dalka Kenya ay gacanta ku dhigeen lacago mucaawino ah oo loogu talogalay shacabka Soomaaliyeed.
Ururka Laanqeyrta cas ee Turkiga ayaa sheegay in lacagtani ciidamada Kenya gacanta u gashay ka dib kolkii ay todobaadkii hore xabsiga dhigeen labo ka mida hay’ada oo ka hawlgala xafiiskooda Nairobi.
Hay’ada ayaa sheegtay in ay xafiiska Nairobi isticmaalaan bacdamaa Muqdisho aaney aheyn magaalo amnigeeda la isku haleyn karayo.
Hay’ada Laanqeyrta cas ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in lacagta ay sideen shaqaaleheedu ay aheyd $350 ,000 oo dollar.
Hay’ada ayaa walaac ka muujisay dalab ay hore ugu jeedisay ciidamada dalka Kenya oo aan weli laga soo jawaabin.
Ciidamada Kenya ayaa hore loogu eedeeyay dhaca hantida gacantooda gasha xiliyada ay wax baarayaan.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com