Madaxweyne Siilaanyo iyo Waftigii Uu Hoggaaminayey oo ku soo laabtay caasimada dalka ee Hargaysa
Hargeysa:10-Oct-2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuu Siilaanyo, ayaa Goor dhawayd dib ugu soo laabtay Caasimada dalka ee Hargaysa iyagoo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxaa si diiran ugu qaabilay Madaarka Cigaal Madaxweyne ku xigeenka somaliland,Shirgudoonada Golayaasha Qaranka,Xildhibaano ka tirsan Golayaasha kala duwan ee dawlada,Madax dhaqameedyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshda.
Waftigan Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayo oo muddo Toddobaad ah dalka turkiga ugu maqnaa casuumad rasmi ah oo ay ka heleen, ayaa wada hadallo kala duwan la so yeeshay madaxda dalkaas ugu saraysa oo uu ugu horreeyo ra’iisal wasaaruhu, waxana ay ka wada hadleen ammuuro badan oo ay ugu horrayso dhinaca iskaashiga labada dhinac iyo waliba higelinta mashaariic horumarineed oo Somaliland Baahi weyn u qabto.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa hadal kooban oo uu Warfidiyeenada siiyay waxa uu ku sheegay in Socdaalkoodu uu ka danbeeyay marti qaad ay ka heleen Ra’isal wasaaraha Wadanka Turkiga Rajab Dayib Ordugan isla markaana ay ka wada xaajoodeen arrimo badan oo taabanaya Maslaxada iyo xidhiidhka labada wadan.
Faahfaahinta Warkan oo Maqal iyo Muuqaal ah Goor dhow ka filo shabakada Qurbejoog.com
S.S.N
Contact@somalidiasporanews.com