Wasiir Waran-cadde iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Ku Hawllan Deminta Colaad Laba Beelood Ku Dhex Martay Degaanka Qararro
Qararro:10-Oct-2013(SDN)-Wafti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa haatan ku sugan Deegaanka Qararro oo ku dhaw Tuulada WadaamoGoo, iyagoo ku hawllan damin shaqaaqo dhimasho keentay oo halkaas ku dhex martay laba Beelood oo walaalo ah.
Waftigan oo ay ku jiraan cuqaal iyo salaadiin dhaqan ayaa halkaas gaadhay salaaddii hore ee saaka, waxana sidoo kale weheliya Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo maayarka Gobolkaas.
Wasiirka iyo waftigiisa ayaa Kulamo kala gooni gooni ah la leh laba maleeshiyo Beeleed oo Halkaas ku kala sugan, waxana uu ku hawllan yahay sidii uu labada dhinac ugu qancin lahaa inay colaadda ay kuu foogan yihiin nabad ku bedeshaan.
Sidoo kale madax-dhaqameedka ayaa iyaguna haatan u kala dab qaadaya labada dhinac ee dagaalka dhimashada keenay dhex maray, waxana ay wararka shabakadda Qurbejoog halkaas ka helaysaa sheegayaan in arrinta haatan gacanta lagu hayo, labada dhinacna ciidamo badan la dhex dhigay, laguna qanciyey inay maleeshiyooyinka kala qaadaan.
Dagaalkana gacan ka Hadalka ah, ayaa ka dhashay muran ka yimi dhinaca dhulka, waxana labada beelood midkood la sheegayaa inay beesha kale u diidday inay Baraago ka samaystaan Tuulada Qararro oo ay iyadu sheganayso.
Contact@somalidiasporanews.com