Xuska maalinta Caalamiga ah ee Araga adduunka oo Somaliland lagu qabtay
Hargaysa 10.October 2013 (SDN)- Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye ayaa maanta sheegay in dadka araga ka naafada ahi ay la wadaagi karaan bulshadoooda xaaladaha iyo duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin wasiirka oo kka hadlayay Munaasibbada Caalamiga ah ee araga adduunka ayaa Tilmaamay inay waajib tahay sidii dadkaas wax loola qaban lahaa .
Wasiirka waxaa kale oo tilmaamay in loo baahan yahay in dadka araga ka naafada ahi ay isu arkaan kuwo wax qabsan kara isla markaana Ummadooda wax ku soo kordhin kara.
Geesta kale waxa Maanta oo kale sanad walba waxaa caalamka laga xusaa maalinta aragga caalamka oo nin lagu magacaabo Sir John Wilson uu asteeyay sanadkii 1975.
John Wilson waxa uu ahaa aasaasaha iyo madaxa dallada caalamiga ah ee ka hor-tagidda indhoolannimada.
Cabdiraxmaan Jeylani Maye oo ah wiil indhoole ah oo saaka u warramayay barnaamijka Bandhigga Barbaarta ayaa sheegay inuu barto Qur’aanka, luuqadaha, kumbiyuutarka iyo cilmiga kale ee aasaasiga, isagoo xusay in indhaha uu la’ yahay darteed uusan u joojin doonin waxbarashadiisa.
Wuxuu sheegay inuu wax ku soo bartay qalabka loogu tala galay indhoolayaasha, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarinta waxbarashadiisa iyo wax u taridda indhoolayaasha kale.
Cabdiraxmaan Jeylaani oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dhiganayay dugsiga indhoolayaasha ee Al-Basiir ee magaalada Muqdisho, wuxuuna hadda deeq waxbarasho ka helay dalka Koonfur Afrika.
Munaasabadaha ku aaddan maalinta aragga caalamka oo sanad walba la qabto October 10 ayaa waxaa looga hadlaa dhiirra-gelinta iyo taageerada indhoolayaasha.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com