Wasiirka Boosaha Somaliland Oo Faahfaahin ka bixiyey Dardargelinta Shaqada Wasaaraddiisa
Hargeysa:10-Oct-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlihii wasaaraddiisa u qabsoomay wasaaraddiisa intii uu xilka hayey.
Wasiir Abgaal oo muddo Gaaban Hayey Xilka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa haatan tilmaamay inuu horumar ballaadhan ku tallaabsaday, “ waxa noo suurta galay oo aan isla garanaya inaan wasaarada mecnihii loo sameeyay aanay dhamastirnayn , waxanu ogaanay saddex qodob in la dhamaystiro la helo guri laguwareego waxana aanu filaynaa in aqalkaasi noo suurogalay,
noo suuragashay, inaanu helo qalab casri ah oo aanu ku ilaalinkaro dalkayga dibadiisa ee shirkado ah ee wada hadala oo miisaaniyada ayay lacagtiisii noogu jirtaa, dhamaan shirkadaha isgaadhsiintu way dadaaleen waxana ay ku jiraan dhismayaal wanaagsan laakin hadana cashuurtii ku haboonayd lagama qaado” ayuu yidhi wasiir abgaal.
wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, abgaal ayaa waxa uu ka hadlay shirkadaha isgaadhsiinta iyo waxay ka yeelayaan ka wasarad ahaan waxanu yidhi “Waxanu sida Ugu Dhakhsaha Badan Ee Waajib Dalku Kulahaa Waa Laga Qaadayaa shirkadahaha, waxa ay ku khasban yihiin inay cashuurta dalka bixiyaan.”
wasiirka wasarada boosaha oo ka hadalay Boosihii ay somaliland Lahaan jirtay ayaa tilmaamay inay dhamaytsirayaan, waxanu yidhi “Waxanu 24 sanadood Ka Dib Dhaqaajinaynaa Adeegii Boosi Qaban Jirtay oo Intaanay Sanadkaasi Dhamaan Ayay Dhamaanaysaa Boos Ay Leedahay Somaliland” ayuu yidhi wasiirka boosaha Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com