Ra’isal Wasaarihii Liibiya oo Saacado afduub loo haystay oo la sii daayay
Liibiya 10.October 2013 (SDN)-Raysul wasaaraha Libya Ali Zeidan ayaa la sii dayay, dhowr saac kaddib markii ay afduubteen rag hubeysan, sida laga soo xigtay ilo dowladda la xiriira.
Rag hubeysan ayaa waaberigii saaka ka afduubay Ali Zeidan hoteelkiisa ku yaalla magaalada Tripoli ee caasimadda Libya.
Koox fallaago hore ahaan jirtay oo xiriir aan wanaagsaneyn la leh dowladda ayaa sheegtay inay xirtay raysul wasaraha kaddib markii xeer-ilaaliyaha guud uu amray xariggiisa.
Wasiirka garsoorka ayaa beeniyay in xeer-ilaaliyaha guud uu soo saaray amarka xarigga.
Liibiya SDN.
Qurbejoog.com