Agaasimaha Guud ee Wasaaarada Ciyaaraha oo Warbaahinta kala hadlay ka Warbixinta Waxqabadka Xukuumada oo Shaqadiis ka baxsan
Hargaysa 10.October 2013 (SDN) Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha
iyo dalxiiska md maxamed xuseen axmed [ dhabeeye] ayaa faah
faahin ka bixyay waxyaabihii u qabsoomay xukuumada talada haysa
mudadii sedexda sano ahayd isalmarkaana dhaliilo usoo jeediyay
xisbiyada mucaaridka.
Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha iyo dalxiiska oo maanta qaar
ka tirsan warbaahinta kula hadlay huteelka xaraf ee magaalada hargaysa
ayaa ugu horeyn sheegay in madaxweyanaha j s l md axmed maxamed
maxamuud siilaaanyo in markii uu talada dalka qabtayba uu kala diray
gudidii sharci darada ahayd ee nabadgalayada taasoo dadka ku xukumi
jirtay bilaa maxakamad talaabadaasina ay ka mid ahayd waxyaabihii
madaxweynuhu balan qaaday markii uuu tartanka olahalaha dooarshada ku
jiray.
Waxa kale oo uu ka hadlay waxqabadyadii xukuumada ee kala duwanaa sida
darajooyionkii ciidamada la siiyay oo uu ku tilmaamay agaasimaha guud
waxqabdkii ugu balaadhnaa ee xukuumad Somaliland ahi samayso mudadii
aynu jirnay, halka sidoo kale uu guul weyn oo qaran ku sheegay dib
dhiska lagu sameeyay madaarada cigaal iyo berbera international
airport oo laga dhigay madaaro calaamiya, waxaanu usoo jeediyay
masuuliyiinta mucaaridka in aanay mucaaridin waxqabayada muuqda ee
xukuumadu qabato sida dib u dhiska lagu sameeyay madaarka hargaysa oo
la garanayo sida uu markii hore ahaa.
Gabagabadii agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha iyo dalxiiska waxa
uu si kulul u dhaliilay hadalo kasoo yeedhay gudoomiyaha xisbiga
mucaaridka ah ee ucid kuwaas oo uu wax kaga sheegay hogaaminta
siyaasada dalka e madaxweynaha dalka waxaanu tilmaamay in madaxweynaha
j s l yahay hogaamiye rug cadaa ah oo mudo dheer soo hogaaminayay
bulshada hadii ay ahayd xiligiii dib u xoraynata dalka iyo wixii ka
danbeeyay oo bulshadu ay ku doortay kartida uu u leeyahay hogaaminta
dalka, oo aan loo maqlayn hadalada mucaaridka eek u aadan hogaaminta
madaxweyanaha.
SDN-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com