Kulan lagu eegayo Duruustii laga bartay Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha Somaliland iyo Sidii loo samayn lahaa Diiwaangelin Cusub oo Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 10.October 2013 (SDN)- Kulan ay soo qaban-qaabiyeen Guddiga
Nabad-gelyada iyo Difaaca Golaha wakiiladda JSLand, lagagana hadlayey
Diinwaan-gelintii hore ee Codbixiyayaasha iyo duruustii laga bartay
ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiin ka socda saddexda
Xisbi Qaran, Akaadamiyada Nabadda iyo marti sharaf kale, waxa
halkaasi ka hadlay, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha wakiilada
Mud, Cali Aw Yuusuf, waxaanuu tilmaam ka bixiyey diiwaan-gelintii hore
ee Codbixiiyayaasha ee dalka ka qabsoontay iyo duruustii iyo
Waaya-aragnimadii laga dhax-lay. Waxaanuu xusay in loo baahan yahay in
aynu ka faa’iidaysano duruustii aynu ka baranay diiwaan-gelintaa
hore dalka looga soo qabtay.
Mud, Cali Aw Yuusuf waxa uu intaa ku daray, In haddii aynu ka
faa’iidaysano, si dhab ahna ugu camal falo Waaya-aragnimadii laga
dhax-lay diiwaangelintaa hore inay wax weyn ka tari doonto inaanay
dhicin laba Codayni, diiwaan-gelinta aynu damacsanahayna ay noqon
doonto mid ka bad-baada laba kaadh qaadasho.
Waxa kale oo Isna-halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Guddiga Nabad-gelyada
iyo Difaaca Golaha wakiiladda Mud,C/raxmaan Maxamed Jaamac(C/raxmaan
Xoog), waxaanuu ka waramay ujeedada ay Guddi ahaan kulanka u qabteen.
Waxaanuu si balaadghan faah-faahin uga bixiyey diiwaan-gelintii hore
dalka uga soo qab-soontay iyo mac-luumaadka iyo casharadii laga
bartay. Kuwaasi oo uu tilmaamay inay yihiin casharo looga
faa’iidaysan karo diiwaan-gelinta aynu doonayno inay dalka ka samayno.
Waxa kale oo iyana halkaa ka soo jeediyey hadalo ku taxan kulanka
iyo waaya aragnimadii diiwaan-gelintii hore laga helay ka soo Jeediyey
Xasan Cumar Khalif oo ah Sarkaal ka tirsan Akaadamiyada Nabadda iyo
mas’uuliyiin ka socday Saddexda Xisbi Qaran ee dalka.
SDN-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com