|

Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo wadajir uga Shaqeynaya Midnimada iyo Siilaanyo oo Istanbul ku sugan

Istanbul Oct 10,2013(SDN)-Wasiirul dawlaha arrimaha dibedda ee dalka Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in dawladiisu ay Turkagi uga mahadcelineyso sida ay uga shaqeyneyso midnimada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidaa u sheegay jariirad dalka Turkiga ka soo baxda oo la yiraahdo AA oo wareysi dheer oo arrintan ku saabsan la yeelatay wasiirka.

“Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland qeybtoodii sadexaad ayaa bisha danbe ka furmaya dalkan Turkiga”ayuu yiri Wasiir Gacal.

“Waxaanu jecelahay in Turkigu sii wado ku dhiirigelinta Somaliland in midnimo Soomaaliyeed la helo in ay dan u tahay Soomaalida oo idil”ayuu mar kale yiri wasiirku.

Wasiirul dawladaha arrimaha dibedda Soomaaliya aya aka hadlay waxa uu ka rajeynayo wadahadalada November lagu wado in ay Turkiga ku dhexmaro dalalka Soomaaliya iyo Somaliland.

“Waxaanu rajeyneynaa in wadahadaladan soo socdaa noqdaan kuwo xal waara looga gaaro khilaafkan” ayuu Gacal yiri.

Hadalka wasiirkan ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha Somaliland uu safar ku marayo dalka Turkiga.

Dawlada Somaliland ayaan ka hadal xogtan uu bixiyay wasiirul dawlaha arrimaha dibedda ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa dhawaan hadal uu sheegay guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe uu ku sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo aanu aaminsaneyn in Somaliland la ictiraafayo.

SDN-Istanbul
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed