|

Kashifaad: Khiyaanada Siilaanyo Iyo Labada Dowladood ee Somalia Iyo Turkiga oo Ka Wada Shaqeynaya Midnimada Somaaliyadii Hore “Former Somali Republic”

Dhamaan Shacabka Somaliland Iyo Jaaliyadaha Somaliland ee Dacalada Caalamka Waa Inay Ku Hor Mudaharaadaan Safaaradaha Turkiga ee Wadadama Dunida. Waayo Turkigu Maaha Dhexdhaxaad,  Turikigu waxa uu hoosta Ka Taageerayaa Midnimada Soomaaliya. Taana uma aha shacabka Somaliland.

Talada Wadatashiga Iyo Toosinta,  Iyo Labada Xisbi ee Qaran UCID iyo Wadani waa inay la yimaadaan hogaan, firfircoonaan, iyo aragti dheer.   Waa inay dowlada Kulmiye ee khiyaanada wada la xisaabtamaan.    Labada Xisbi ee Qaran waa inay Hogaamiyaan Mudaharaadyo Iyo Kacdoon Shacbi si Dalka Iyo Qaranka Somaliland Loo badbaadiyo.   Shacabka Somaliland waa inay hurdada ka kacaan sidii Shacabka Masar Iyo Wadamada Carabta.

Waxaa maalinba maalinta kasii danbeesa cadaanasa, oo soo ifbaxasa, waxii uu Gudoomiyada UCID  Eng. Faysal Waraabe Ka digayay inuu Siilaanyo daacad ka ahayn u adeega dalka iyo Ictiraafka.   Eng Faysal waa uu ku dhaartay sida Wareysigii Universal,  inuu Siilaanyo daacad ka ahayn ictiraafka, uu Qarankana Khiyaameeyay.   Dhamaan Xafiisyadii iyo Safaaradihii Somaliland ee Caalamka ayuu Siilaanyo Iyo Kulmiya albaabada u laabeen oo xidheen.   Maanta ma jirto hal dowlad oo taageerta Qadiyada Qaranka Somaliland.  Waana la xasuustaa markii Riyaale joogey inay jireen Dowladu badan oo Africa Iyo Europe oo Taageersan Qadiyada Somaliland.     Maantana Siilaanyo waxaa uu ku warwareegaa Laba Dowladood oo Siweyn uga soo Horjeeda Qadiyada  Ictiraafka Qaranka Somaliland, waana Turkey Iyo Imaaraadka Carabta.

http://www.aa.com.tr/en/headline/237510–somalia-wants-turkey-to-encourage-somaliland-for-quot-unity-quot?utm_content=buffer4955d&utm_source=buffer&utm_medium=twitter&utm_campaign=Buffer

Comments are closed