|

Guddida Diiwaangelinta Axsaabta Somaliland oo Shacabka ku hor Kufay iyo Suaal Jawaabteeda Xaflad loo qabtay oo ay weydiiyeen Mayorkii Berbera ee UCID ka baxay

Hargeysa Oct 09,2013(SDN)-Gudida Diiwaangelinta axsaabta dalka ayaa jawaab lagu qoslo ka bixisay codsi uu xisbiga mucaaridka ah ee UCID u qoray Guddidaas oo uu ku dalbanayay in tilaabo sharci laga qaado Mayorkii degmeda Berbera iyo xildhibaan kale oo ku biiray xisbul xaakimka.

Guddida ayaa jawaab uu Guddoomiyahoodu ku sexeexan yahay suaasha dib u weydiisay labadan xildhibaan ee xafladoodii gelida Kulmiye caalamka oo idil lagadaawaday.

Qoralka Jawaabta ah ee Guddida Diiwaangelinta ayaa sidan u Qoraa:

Ujeedo Jawaab Celin Dacwad

Ku:Xildhibaan C/shakuur Maxamed Xasan:duqa degmada Berbera iyo XildhibaanC/rashiid Maxamed X. Yusuf xubno ka tirsan Golaha Degaanka Berbera

OG: Xisbiga Ucid
OG: Golaha Deegaanka Berbera

Ujeedo:Jawaab celin dacwad

Waxa xafiiska guddiga diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka soo gaadhay dacwad ka dhan ah labada xildhibaan ee kor ku xusan,dacwdaas oo uu soo gudbiyay xisbiga Ucid.

Dacwadaas oo ku saabsan inaad ka baxdeen xisbiga Ucid kuna biirteen xisbiga Kulmiye.

Sidaa awgeed waxay guddidu idinka rabtaa inaad soo cadeysaan inaad xisbiga Ucid ka baxdeen kuna biirteenkulmiye iyo inaydaan ku biirinxisbuga Kulmiye.

Allaa mahad leh

Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta
Cabdirisaaq Jaamac Cumar

 

 

 

Comments are closed