|

Guddi Fadhiid ah oo Jaamacadaha Somaliland Ka Jira Hawada u mariyey Amar aanay Ka Fiirsan

Hargeysa:7-Oct-2013(SDN)-waxa Habeenkii xalay warsaxaafeed amar ah oo warbaahinta madaxa  bannaan iyo midda Dawladda ee ka jira Somaliland lagaga codsanayo inaanay Gudbin wax xayeysiis ah oo aan iyaga soo marin oo ay leeyihiin jaamacadaha dalka  ku soo kordhayaa.

tffkakaGuddidan oo ka mid ah Guddiyadii dhawaan madaxweyne Siilaanyo Magacaabay ee aan wax hawl ah haddana faraha ku haynin, ayaa warbaahinta u sheegay inay ka tigtoonaad gudbinta wararka xayeysiisyada la xidhiidha ee ku saabtsan Waxbarashada ay jaamacadaha gaarka loo leeyahay  sheegtaan oo ay tilmaameen in  badankoodu been yihiin.

Guddidan ayaa illaa iyo intii la Aasay aan wax tallaabo ah oo lagu diirsado waddanka ka qaadin, waxana la sheegayaa inay noqdeen dad ku shaqaysta  oo ka faa’iidaysta awoodda madaxweynaha, kuwaas oo jaamacadaha ay saluugga ka muujiyaan kaga gurto lacago gaar ah iyagoo ugu  hanjabaya inay ruqsadda kala noqon doonaan haddii aanay samaynin waxa ay ku  amraan.

Guddidan, ayaan xidhin jaamacado tiro badan oo  bilaa tayo ah , kuwaas oo dhibaato weyn ku haya dhaqaalaha dalka iyo mustaqbalka da’yarta, waxana la sheegayaa in Guddidan xubno ka mid ahi ay  saamiyo ka furteen jaamacado gaar ah si ay dhaqaale uga helaan, waxana ay taasi baalmarsan tahay hawshii iyo shaqadii loo igmaday.

Haddaba qoraalkan ay Guddidu soo saartay Habeenkii xalay ee ay warbaahinta kaga codsanayso inaanay Gudbin wax xayeysiis ah oo aanay iyaga soo marin, ayaa ah mid  baalmarsan Dhaqankoodii, waxana ay ahayd  inay  iyagu marka hore noqdaana qaar kasbada kalsoonida dadka oo inuun bulshada tusa waxqabad haboon oo ay ku tallaabsadeen, waxana looga baahan yahay intaan la gaadhin ka hadalka xayeysiisyada inay marka hore waxa ka qabtaan Jaamacadahan ay waddanka ku waadanayaan ee aan la garanayn cidda wadata.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed