Roobab Xooggan oo ayaamahan ka da’ayey Hareeraha Caasimadda iyo warwar soo foodsaaray shacabka iskaga kala goosha Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.
Hargeysa:7-Oct-2013(SDN)-Roobab xooggan ayaa maalmihii ugu dambeeyey si isdaba joog ah uga da’ayey Gobolada Bariga Somaliland, gaar ahaan Gobolada Maroodijeex, Gabiley, Saaxil iyo Togdheer, waxana ay taasi keentay inuu soo rogo daadad waaweyn oo carqaladeeya isu socodka dadka ku safra baabuurta.
Dadka ku safra Baabuurta, ayaa iyagu dhib weyn ku qaba dooxyo ama togag waaweyn oo inta badan dhex maray magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera iyo waliba qaar dhex mara Hargeysa iyo Gabiley oo marka roobabku da,aan ay soo maraan biyo aad u badan oo halis ku ah nolosha iyo gaadiidka waddada maraya.
Daadadka mara toggogaas ku dhex yaalla magaalooyinkan, ayaa waxa muddooyinkii ugu dambeeyey ku geeriyooday jidka u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxana haatan warwarsan bulshada ku safraya waddadaas oo noloshoodu halis ku jirto.
Dadka Baabuurta wata, ayaa iyaga inta badan lagu sheegaa qaar aan masuuliyiin ahayn oo nafaha ay sidaan kuwaas oo halliga dadka ay sidaan dhexdana u dhigga dooxyada biyaha wada, halkaas oo ay ka dhalato dhimasho badan iyo khasaare kale oo maaliyadeed.
Inkastoo aan wali waxba laga qabanin dooxyada waaweyn ee halista ku haya nolosha shacabka, haddana waxa si weyn loo hadal hayaa in haba yaraatee wax laga qabto wadooyinkan halista badan, iyadoo lagu baaqayo in inuun la abaabulo sidii loo dhisi lahaa biriijyo wax lagaga qabanayo nafaha baxaya ee u dhimanaya sida dhibta yar.
Xilligan oo lagu jiro wakhti roobaad, ayaa halista waddooyinku ay haatan gashay meelo aan waxba laga qaban Karin, waxana xukuumadda Somaliland looga baahan yahay inay u guntato sidii ay meesha uga saari lahaayeen halista nololeed ee dooxyada ka taagan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews