Somaliland ma Dal Dimuqraadiyadu sal dhigatay baa mise Dad aan weli Dareemin Khatarta ku soo Fool leh
Hargeysa Oct 07,2013(SDN)-Waxa Somaliland bilihii u danbeeyay ka taagnaa qalalaase siyaasadeed oo aan weli helin feejignaanta ay mudan tahay.
Nidaamkii siyaasadeed ee dalka ayaa markii u horeysay u muuqda mid faashil ah ka dib siyaasiyiintii ay aheyd in ay hagaan oo isla qaadan kari waayay nidaam ay ku wada qanacsan yihiin.
Xukuumada Somaliland oo mageeceedu haatan ku soo koobmay dhawr wasiiir oo ka agdhaw madaxweynaha ayaa u muuqda qaar waayay cid ka waabisa umadda inteeda kale.
Waxaanad moodaa in Xukuumadu ay dhawr ruux oo qaraaba ah u kala shaqeeyaan ee aaney dalkaba baahidiisa wax ka qabashadeeda u heelaneyn.
Halka Axsaabta mucaaridku ay dhankooda la daalaa dhacayaan sidii ay xiriir wada shaqeyneyd ula sameysan lahaayeen xukuumada.
Siyaasiyiinta ku jira axsaabta Qaranka ayaa ayaa u kala baxay qaar dantooda raaca iyo qaar mucaaradadu la fogaatay oo haatan jabhadeyn in au uga guddbaan uun ay u haadhay.
Shacabka reer Somaliland oo hore looga bartay ka qeybqaadashada doodaha siyaasadeed ee dalka ayaa haatan u muuqda qaar indhaha uun ka daawanaya marxaladan adag ee dalku galay.
Waxase is weydiintu tahay hadii siyaasadan gebiga ka lulata aan lagu bixin xaga laga geli doono cawaaqib xumada ka dhalata.
Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo waxa ay iska ciideyneysaa taladii ay dhawr iyo tobanka sanadood mucaaradada ku sugeysay.
Madaxeyne Siilaanyo oo ah odey taariikho badan u soo joogay dalkana magac ku leh ayaa ku sii socodka siyaasada caruurtu hogaamineyo ay dhaxal siin kareysaa sumacad xumo iyo akkhiro seeg.
Si kastaba ha ahaatee hadii siyaasada Somaliland inta ehelka u ahi ku bixi weydo maanta,beraa la oran shalay dabo qabasho laheyd.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com