Ciidamadii Dilay Bin Ladin oo Ina Godane ku bartilmaasady Baraawe iyo natiijada weerarka oo aan weli la ogeyn
Baraawe Oct 07,2013(SDN)-Wasaarada difaaca ee dalka Mareykanka ayaa shaacisay in weerarkii ay dhawaanta ku qaadeen aqal ku yaal xeebta magaalada Baraawe uu degen yahay hogaamiyaha kooxda Al Shabaab Mukhtar Abu Zubeyr.
Kooxdan oo ah urukii toogashada ku dilay hogaamiyihii hore ee ururka Al Qaacida Osama Bin Laden ayaa doonayay in ay hawlgelikii Baraawe in ay ku dilaan ama ay ku soo qabtaan Ina Godane.
Mareykanka ayaa sheegay in ay bilaabeen u diyaar garowga hawlgalaka ka dib weerarkii ay Shabaabku sheegteen in ay ku qaadeen Westgate Mall.
Mareykanka ayaa sheegay in ay hawlgalka hakiyeen ka dib kolkii ay u soo baxday in shicib faro badani ay ku waxyeeloobi karaan.
Mareykanka ayaa saacado ka dib weerarkii Baraawe Shaaciyay in aaney u suurto gelin in ay qabtaan Abu Zubeyr balse ay dileen.
Waxase hada soo baxaya in aanu Ina Godane dhiman balse ay dhici kareyso in uu weerarka ka soo gaaray dhaawac.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay uun in mid ka mida dagaal yahanadooda uu ku dhintay weerarka ciidamada shisheeye ay ku qaadeen aqalka uu hogaamiyahoodu ka degan yahay magaalada Baraawe.
Shabaabkuse kama hadal in hogaamiyahoodu aqalka ku sugnaa kolkii weerarku dhacayay iyo in uu dhaawac soo gaaray toona.
Isla Baraawe ayuunbay aheyd halkii ay duyuuradoohooda aaney cidi wadini ay ku dileen hogaamiyihii Al Qaacida ee Geeska Africa Salex Nebhan.
Si kastaba ha ahaatee Mareykanka ayaa haatan u muuqda in uu il gaar ah ku eegayo kooxda Al Shabaab oo uu hore ugu daray kooxaha argegixisada.
SDN-Baraawe
contact@somalidiasporanews.com