|

Weftigii Xukuumada Somaliland ee ku Sugnaa Magaalada Ceerigaabo oo kulan la qaatay isu duwayaasha laamaha dawlada

Ceerigaabo 06.October 2013 (SDN)-Weftigii Wasiirada ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Ku Sugnaa Magaalada Ceerigaabo ayaa maanta kulan balaadhan kula yeeshay hoolka shirarka ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Magaalada Ceerigaabo dhamaanba isu duwayaasha laamaha dawlada

Xubnaha Weftigu Waxay kala hadleen Madaxda laamaha dawlada Ujeedada Socdaalkooda,oo ay ku tilmaameen wax ka ogaanshaha arrimaha maamulka, Adkaynta nabadgalyada,Xog ogaal u noqoshada Xaalada dadka iyo Duunyada iyo ka qayb qaadashada dhismaha wadada isku xidha ceerigaabo iyo Burco.

Wasiirada CeerigaaboWasiiradu waxay tilmaameen in Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ay ka go’an tahay wax kasta oo ay ku kacayso ka dhabaynta iyo hirgalinta wadada xidhiidhisa Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.

Isu duwayaasha gobolka Sanaag ee laamaha dawlada ayaa iyana dhankooda ka balanqaaday inay diyaar u yihiin wax kasta oo kaga soo beegma hirgalinta wadadaas.

Geesta kale Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane  Cali Siciid Raygal ayaa bah’da Ciyaaraha ee Gobolka Sanaag Gudoonsiiyay qalab Ciyaareed oo kala duwan oo ay wasaaradu ugu talo galashay.

Duqa Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa wasaarada Ciyaaraha ka dalbaday inay sannadka soo socda tartanka ciyaaraha gobolada dalka lagu qabto magaalada ceerigaabo isagoo sheegay inay awood u leeyihiin marti gelinta tartankaas.

Weftigan ayaa maalintii shalay Mudaharaad lagaga soo Horjeedo Safarkooda waxa uu ka dhacay magaalada ceerigaabo iyadoo dadweynuhu ka cabanayeen bedelaada lacagta giinbaarta ah oo  si aan dhamaystirnayn ay dawladu u shaacisay inay ku bedeshay Shilling Somaliga ah.

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed