Hargaysa: Arday dhamaysay Culuunta Saxaafada,Arrimaha Maamulka iyo Maaraynta oo Shahaadooyin la Gudoonsiiyay
Hargaysa 06.October 2013 (SDN)- Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta,Wacyigelinta iyo Dhaqanka md Cabdirashiid Jibriil Yusuf oo uu weheliyo agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare Muuse Maxamed Shide,walidiin iyo marti sharaf kale ayaa maanta ka qeyb galay xaflad loo sameeyay kontan araday oo ka qalin jebiyeyey saxaafada iyo maamulka iyo maraynta xafiisyada ee dugsiga siam ee magalada hargaysa.
AGaasimaha guud ee wasaaradda warfafinta ,wacyigalinta iyo dhaqanka Md c/rashiid jibriil yusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay ardayada qalinjabisay iyo macalimiintii wax soo bartay isagoo intaa ku daray in uu ku bogaadinayo ka mid noqshada bahda saxaafada Somaliland waxaanu intaa ku daray in xukuumadu ay dadaal balaadhan ugu jirto sidii dhalinayarada iyo guud ahaan bulashada Somaliland loogu samayn lahaa shaqooyin ,
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta waxa uu usoo jeediyay bulshada in talo wax ku ool ah laga yeesho aafada tahriibta ee dhalinayaro badani ay noshooda ku weyday, gabagabdii waxa uu sheegay in wasaarad ahaan iyo ururka soyda in ay ka wada shaqayn doonaan sidii ardayada qalinjabisay ay u heli doonto shaqooyin
Agaasimaha waxabarshada gaarka ah ee wasaarada waxabarshada iyo tacliinta sare muuse maxamed shire oo isna ka hadlay xaflada ayaa sheegay in uu ardayada ku boorinayo barshada xirfadaha kala duwan ,waxaanu tilmaamay in qoraalka iyo aqoonta saxaafadu ay tahay tiir muhiim ah oo bulshada loogu gudbiyo hadaba waxa ka jira dunida , waxaanu ardayada baratay aqoonta saxaafda uu u soo jeediyay in ay ka dheeraadaan wararka iyo barnaamijyada iska hor keeni kara bulshda.
Maamulaha dugisga sidam mukhtaar maxamed axmed oo ardayada halaasi ka hadlay ayaa ardayada iyo waalidkaba ku hanbalyeeyay guusha qalin jabinta waxaanu intaa ku daray in uu sidoo mahad celinayo ururka soyda islamrakaa ay dugsi ahaan kala shaqayn doonaan sidii ardayadani ay u heli lahayd shaqooyin la xidhiidha aqoonta ay barteen sidoo kalana ay ardayada u furi doonaan xafiisyo ay tababaro ku qaadan doonaan.
Gabagabdii waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka soyada khader nuux cabdi iyo ku xigeenkiisa Khalid jaamac qodax oo dhamaan ka waramay in ay ardayda ay la raadin doonaan shaqooyin islamrakaa ay u rjayanayaan nasiib wacan waxaana halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydii ka qalin jabisay dugsiga sidam.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com