Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay arday ka qalin jebisay Jaamacada New Generation (DAAWO)
Hargaysa 06.October 2013 (SDN)- Madaxwayne Ku Xigeenka Jsl Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta Shaaadoyin Gudoonsiiyay Arday ka Qalin jabisay jaamacada New Generation Qaybteeda Magaalada Hargeisa
Xaflada balaadhan oo ay Ku Qalin Jabinayeen 59 Arday Oo bartay Culuumta Kala Duwan Ayaa Maanta Shahaadooyinkii ay Mutaysteen Lagu Gudoonsiyayay Hotel Maansoor
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Ku Simaha Madaxwaynaha Ahna Ku Xigeenaka Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ,wasiirka madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaji Xasan , Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Md Cali Maxamed Waran Cade , Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Md Maxamuud Axmed Bare garaad ,Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxamaan Ciro ,Mulkiilaha Jaamacada .
Waxa halkaasi ka Hadlay Cabdi Doolaal La taliyaha Khaaska Ah Ee Wasarada Arimaha Dibada Dawlada Ethiopia Waxanu Tilmaamay Inuu Maanta Aad Ugu Faraxsan Yahay Inuu Kala Soo Qayb galo Ardaydan Dhamaysataya Qaybaha Kala Duwan Ee Jaamacada New generation Qaybteda Magaalda Hargasa Isla markaan Waxa uu tilmaamay Inay Maanta Gaadheer Qayb ka Mid Ah hadafkoodii ay Waligood Ku Raad Joogeen Waxanu Ku Guubaabiyay Inay Aqoontooda halkaasi ka Sii Wataan .
Waxa kale Oo Halkaa Ka hadlay Mulkiilaha Jaamacada New Generation Md Cabdicasiis Maxamed Yuusuf .waxa uu ka sheekeeyay taarikhada jaamacada Waxanu Tilmaamay Inay jaamacada Dad badani garab istaageen Sidii ay U noqon Lahad Jaamacada ay ka soo baxaan Dad Aqoonteeda Leh oo Hiigsanaya Meel ,Waxanu Ardayda Ku booriyay Inay Maanta gaadheen Qayb Ka Mid Ah Hadafkooda Jaamacada New Generation waxa uu tilmaamay inay u taagantahay inay soo saarto dad Aqoontoodu Ay Dhisantahay lana Jaanqaadi kara Caalamka kale Waxa Sheegay Inaanu jaamacadan u Aas Aasin Inuu lacag Ka Helo lakin uu Ku Dhiirayaday Sidii Uu U soo Saari lahaa Arday lagu Kalsoonyahay Aqoontooda iyo cilmiga ay Halkan Ka Qaadanayaan .
Waxa Isagu halkaa ka hadlay Safiirka Ethiopia U Fadhiya Somaliland oo isaguna soo dhaweeyay ardaydan oo hore ugu Qalin Jabisay Xarunta EU da Ee Magaalada Addis Abab Isla markana Ay Faraxad U tahay inuu Maanta la Qaybsado Munaasibada Ay Ku Faraxsanyihiin Araday Dhamasay Shahaada Degreega Koowad Ee jaamacada New Generation.
Waxa Isaguna Halkaa Ka Hadlay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Jsl Md maxamuud Axmed Bare garaad oo tilmaamay Aqoonta Iyo Faaidada ay U Leedahay isla markan kala Duwan yihiin Qofka Waxbartay iyo ka Aan Waxba Baran,Waxanu U mahad Celiyay Arday iyo Maamulka Guud Ee Jaamacada New Generation ,Isagoo Ardayda Kala Dar daarmay Inay Iska Ilaabaan Aafadaka tahriibka.
Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Jsl Md Cali Maxamed Waran Cade Ayaa Isaguna Halkaa Ka Hadlay oo Ardayda Qalin jabinaysya Ugu Hambalyeeya Munaasibada qalin jabinta Awgeed isla markaana U Mahadceliyay jaamacada Dadaalka Dheer u soo maratay Sidii ay usoo saari lahayd Arday Ka Dhisan Dhinca Aqoonta .
Waxa Halkaasi ka Hadlay Gudoomiyaha baarlamka JSl Md Cabdiraxman Ciro oo soo dhaweeyay ardayda Qalin Jabinaysa iyo Dhamaan Ardaydii kale Ee Ka Baxay jaamacadaha kala Gadisan Ee Dalka , waxanu tilmaamay inuu Maanta Aad ugu Faraxsanyahay inuu Aradaydan jaamacada New Gerenation Kala Qaybgalo Xafladooda.
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada JSl Md Xirsi cali Xaaji Xasan Ayaa u Mahad Naqay Ardayda Dhamaysatay Culuumta Isla Markaana Qaadanaysa Shahaadadooda Koowaad Ee Degreega Waxanu Wasiirka madaxtooyada jsl Uu ka Hadlay Sidii al iskaga kaashan lahaa horumarka Dalkeena iyo sidii tabarucaad Looga gaysan lahaa Wadada Isku Xidhaysa Magaalada Burco iyo magaalada Ceerigaabo Ee Gobolada Sanaag iyo Togdheer Waxanu tilmaamay in markii ay mushaharka shaqaalaha kordhiyeen Ay ka Jareen Wixii tabarucaad ah Ee lagu dhisanayo wadadaasi isla markaan ka mid ah horumarka iyo waxqabadka xukuumada talada dalka Haysa,
Gabagabadii Waxa halkaa Ka Hadlay madaxwayne Ku Xigeenka Jsl Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo tilmaamay inay manta tahay maalin wanaagsan oo aynu ardayda kala qayb qaadanayno faraxadooda isla markaan muhiimadu tahay in aqoonta iyo cilmiga la barto waxaanay umadu ku hour marta markay cilmi ku filan yeelato waxanu ardayda kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadan Aqoontooda waxbarashad iyo intii ay ka Gaadhi lahaayeen heerkan ka Sareeya.
Xafladan oo si wanaagsan loo Soo Agaasimaya Aya waxa kale oo halka Ka Hadlay madaxwaynaha guud Ee Jaamacada New Generation,Duqii Hore Ee Magaalada Jigjiga Madaxynihii Hore Ee Dawalad Deeganka Ethiopia Cabdi Jibriil.marwo Faadumo Siciid Ibraahin iyo Marti shafar aad u tiro badan
Intaasi kadibna Madaxwayne Ku Xigeenka Jsl ayaa shahaadooyin Gudoonsiiyay Ardayda Dhamaysay Jaamacada New Generation.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com