Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud Oo Lagu Wareejinayo Lacag Malaayiin Doolar ah ICAO Ka Ururisay Hawada Soomaalida Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Aan Waxba Kala Soconin
Muqdisho:6-Oct-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland Gaar ahaan wasaaradda Duulista Hawada ayaan wali ka Hadlin Natiijada Shir dhawaan ku qabsoomaya Dalka Canada Oo Hay’adda ICAO Dawladda Federalka ah ee Soomaaliya ugu Oggolaatay inay ugu wareejiso lacag Malaayiin Dollar ah laga Ururiyey Hawada Soomaalida oo Midda Somaliland ku Jirto.
Sida Ay Baahisay Shabakadda Wararka ee Hiiraan Online, waxa shir dhawaan ku soo gebogeboobay Dalka Canada ka Qaybgalay wasiirka wasaaradda warfaafinta, Boostada iyo gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ceelmooge Xirsi, Shirkaas oo ahaa kii 38-aad ee wadamada xubnaha ka ah hay’ada caalamiga ah ee duulimaadyada iyo saadaasha hawada ee (ICAO) gaadhaya 191 dal.
Shirkan ayaa u jeeddadiisa lagu sheegay in Soomaaliya dib loogu soo celinayo lacag malaayiin ah oo hawada Soomaalida canshuur ahaan looga aruriyey 22-kii sano ee Dawladdii rasmiga ahayd ee Soomaalidu ay burbursanayd.
Wasiir Ciilmooge ayaa sida la sheegayo sheegay in Soomaaliya iyo hay’ada ICAO ay kala saxeexdeen heshiis taariikhi ah oo qeexaya in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada xubnaha ka ah ururkan isla markaana lacagta laga aruriyay hawada dib loogu soo celinayo dawlada federaalka ah ee Soomaaliyaj, Iyadoo lacagtaasna Dawladda Federalku ay Dib u Heli doonto Bilowga Bisha january ee Sanadka 2014-ka. “Lacagtani waxay noqon doontaa mid wax wayn ka tarta dib u dhiska Soomaaliya oo haatan kasoo kabanaysa marxalad adag oo ay soo martay” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta iyo gaadiidka Soomaaliya oo waraysi gaar ah siiyay Hiiraan Online.
Heshiiska Dawladda Federalka Soomaaliya iyo hay’ada ICAO Galeen, ayaa waxa wada saxeexay C/laahi Ceelmooge Xirsi oo wasaaradaha uu hayo ay kamid tahay gaadiidku iyo madaxa hay’ada ICAO Raymond Benjamin.
Heshiiskan uu wasiir Ciilmooge Saxeexay ee Xukuumadda Somaliland ay wali ka dhego indho la’adahay, ayaa Qoddobadiisa waxa ka mid ahaa:
1. a) Xukuumadda DFS ee Somalia, UN iyo ICAO ( international civil aviation organization) waxay kala saxeexdeen in Somalia ay kamid tahay contracting countries ( dawladaha xubinta ka ah) heshiiskii Chicago ee 1944 oo aan cid kale loo soo mari doonin sida united nations ama hay’adaha kale ee lamidka ah, balse toos icao ula soo xidhiidhayso arrimaha laxidhiidha duulimaadka rayidka ah iyo saadaasha hawada.
b) In Dhaqaalihii Somalia 20 sano ee u dambeeyay hawadeeda icao kasamaysay ee kasoo hadhay wixii ay icao isticimaashay loo soo celiyo laga bilaabo bisha jan.2014
c) In maamulka FISS ee hore loogu aqoon jiray (CACAS) project aan la wareegi doonno jan.2014.
d) In ICAO ay ka caawiso tabararo cusub taasoo loo xilsaaray dawlado gaar ah oo kamid xubnahaICAO..
Qoddobadaas iyo qaar kale oo Badan ayaa ka soo baxay shirkan ka dhacay Magaalada Mortreal ee dalka Canada, waxana uu wasiir Ciilmooge iska fuuqsaday oo uu gacantiisa ku saxeexay iyadoon waxba lagala socodsiin xukuumadda somaliland Khayraad iyo hanti ay shacabka reer somaliland qayb weyn ku lahaayeen oo ahayd hanti ka dhaxaysa shucuubta ku wada Nool wixii la siku odhan Jirey Soomaaliya.
Iyadoo arrintaas Dhiig Baxa ku ah shacabka somaliland ay jirto, ayaan haddan wax hadal iyo Hugun midna ah laga haynin wasaaradda Duulista Somaliland oo marar hore sheegtay inaanay aqbali doonin in Hawada Somaliland laga maamulo Xamar, waxana ay tallaabooyinka Noocan oo kale ahi caddaynayaan inaan wasaaradda Duulista Hawada somaliland aanay waxba kala soconin Tallaabooyinka lagu wiiqayo Qaranimada Somaliland ee uu ku foogan yahay wasiir ciilmooge oo hore si cad ugu sheegay inuu masuul ka yahay dhammaan hawada Soomaalida.
Dawladda Somaliland Gaar ahaan wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka ayaa laga rabaa innay Marka laga soo tago heshiiska intii uu socday shirka wadamada xubnaha ka ah ICAO oo ka dhacay magaalada Montreal ee dalka Canada sidoo kale kulan yeeshay wasiirrada gaadiidka qaarada Afrika oo Soomaaliya uu u matalayay Wasiir Ceelmooge.
Lacagtan Soomaaliya lagu soo wareejinayo oo cadadkeeda aan wali la sheegin ayaa lagu qiyaasayaa inay gaadho malaayiin dollarka Maraykanka iyadoo noqonaysa tallaabo cunoqabayn ku noqonaysa Somaliland, maadaama lacagtan ay hore u codsan jireen dawladihii KMG ahaa kuwaasoo aanay u suuroobin in lagu soo wareejiyo.
S.DN
Contact@somalidiasporanews.com