Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Shaqadeedii Fadhiid Noqotay iyo Muwaadiniintii Soo Doortay oo Farta Dhexda ka Qaniinsan.
Hargeysa:6-Oct-2013(SDN)-Golaha Deegaan ee Hargeysa oo da’doodu madaxa la gashay muddo sanad ah ayaa noqday qaar fadhiid ah oo shacabkii soo doortay ku riday Naxdin iyo yaab aanay marnaba filaynin.
Golaha Deegaanka oo dad badani filayeen inay noqdaan qaar ka duwan kuwii ka horreeyey oo lagu xaman jirey shaqo la’aan iyo is qabqasbsi dhexdooda ah ayaa imika marka kuwan haatan yimi loo eego noqday kuwo la tebay oo dad badani dareemeen inay ahaayeen kuwo ka shaqo iyo kartiba badan kuwan haatan jooga.
Golahan Deegaanka ee haatan sanadka waxa yari uga dhiman yihiin, ayaa marka aad Xafiisyadooda tagto aad ku arkaysaa shacab badan oo tuban, kuwaas shaqooyin badani meesha kaga xidhan yihiin, isla markaana quus ka taagan inay helaan Adeegyada ay u baahan yihiin.
Duqa caasimada oo isagu ah nin dhallinyaro ah oo lagu majeeranayey inuu aqoon leeyahay, ayaan haddana wax tallaabo ah u qaadin dhinaca horumarinta iyo adeegyada ay baahan yihiin dadkii soo doortay, waxana haatan muuqata diyad jab iyo murugo ay ka qabaan codadkii ay bacadka u taagnaayeen oo ay aaminsan yihiin inay ku Khasaareen.
Maamula dawladda Hoose oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino waxa keenay fadhiidnimadan iyo dadweynahan ku urursan barxadda hore ee Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa diiday inay wax ka yidhaahdaan ceebtan dul hoganaysa, waxana adkaatay inaad hesho xubnaha Golaha Deegaanka oo isku qarinaya Daarta iyo xafiisyadooda iyagoo is dul dhigay ciidan aan cidina dhaafi Karin.
Shacabka reer Somaliland ayaa iyagu u muuqda qaar aan nasiib ku lahayn inay doorashadooda ku soo saaraan dad ka qanciya adeegyada ay u baahan yihiin, waxana markasta oo ay doorasho dhacdaba soo baxa dad ka duwan kuwii ay u codeeyeen oo sida jirjirroolaha u dhaqmayaa, waxana ay carqaladi kaga timi doorashooyinkii Madaxtooyada iyo tan Golaha Deegaanka oo hadalkeedu taagan yahay.
S.DN
Contact@somalidiasporanews.com