Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Hortagaya Baarlamanka iyo Gudoonka Baarlamka Somalia oo Baaq u diray Xildhibaanada
Muqdisho 05.October 2013 (SDN)- Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaannada gobollada iyo dibadda ugu maqan fasaxyo shaqo u qabtay inay caasimadda ku xaadiraan muddo 15-cisho ah, si loo amba-qaado kulamada golaha oo dhowr jeer kooram la’aan u baaqday.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlayay kulankii golaha shacabka ee maanta ayaa sheegay in xildhibaanno badan ay fasax ugu maqan yihiin gobollada dalka iyo dibadda, isla markaana loo baahan yahay inay ku soo xaadiraan ka hor 20-ka bishaan.
Jawaari wuxuu sheegay in aanan la fasixi doonin xildhibaannada wixii ka dambeeya 20-ka bishaan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in xildhibaankii maqnaada muddada la qabtay uu mutaysan doono in tallaabo sharci ah laga qaado.
Dhinaca kale, Prof. Jawaari ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ah Abdi Faarax Shirdoon Saacid uu baarlamaanka hor tagi doono fadhiyada soo socda.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com