Argagixisadii Weerartay Xaruntii Ganacsi ee West Gate ee Magaalada Nairobi oo Muuqaal laga duubay la soo bandhigay {DAAWO}
Nairobi 05.October 2013 (SDN)-Warbaahinta caalamiga ayaa wali warbixino ka qoraya weerarkii Westgate Mall ee 21-kii September ay ku qaadeen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo dilay ilaa 67ruux isugu jiray dadkii ka shaqeynayay xarunta ganacsiga iyo dadkii u soo adeeg doontay.
Telefishinka Sky News ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya in raga dableyda ee weerartay ay ahaayeen afar rag oo aad u hubeysan, waxaana qabatay kaamirada qarsoon ee loo yaqaano CCTV.
Ragan ayaa qolalka baqaarada ahaa ka raadinayay hadii dad ku jiraan, waxayna u muuqdeen kuwo aan wax wal wal ah qabin, mid ka mid ah ayaa taleefan ku hadlayay, waxaa uu kormeerayay qolalka, iyo meel Computero laga hago ee ay ku rakiban yihiin Kaamirooyinka.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com