|

Wasiirka Caafimaadka oo tababar u soo Gabo gabeeyay Daryeelayaasha Caafimaadka ee Gebilay

Gebilay 05.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr saleebaan Ciise axmed (xaglo Toosiye) ayaa maanta magaalada Gebiley tababar ugu soo xidhay Daryelayssha caafimaadka ee deegaankaasi, daryeelayaashaas oo bixin doona barnaamijka loo yaqaan ((Marwo Caafimaad)), halka sidoo kalena uu dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga dhisayo deegaanka Geed-ballaadh ee isla gobolkaasi.

xaglo toosiye okKa qayb galayaashii tababarkan ayaa noqon doona dufcadii labaad ee daryeelayaal caafimaad ah ee dhamaysta tababarka ((Marwo caafimaad)

Badhasaabka Gobolka Gebiley iyo odayaasha deegaankaasi oo goobjoog ka ahaa xidhitaankii tababarkaasi ayaa uga mahadceliyey wasiirka caafimaadka dadaalkiisa ku aaddan adeegyada caafimaad ee guud ahaan dalka gaar ahaana deegaanka Gebiley. Halka sidoo kalena wasiirku tababar hor leh u furay koox kale oo caafimaadka gobolkaasi ka hawlgasha.

Dhanka kalena wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr saleebaan Ciise waxa  uu isla maanta socdaal shaqo ku tegay deegaanka Geed-Ballaadh ee Gobolka Gebiley, oo ah tuuladii uu ku dhashay wasiirka caafimaadku.

Dadweynaha deegaanka Geed-ballaadh ayaa si weyn u soo dhoweeyey wasiirka waxana uu dhagax dhigay xarun caafimaad oo halkaa laga dhisayo ayna fulinayso hay’adda IFAD.

Gebilay SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed