” Shirka Jubooyinka Loo Qabanayaa Waa Xal Wanaagsan” Xildhibaan Nuur Faarax
Muqdisho 03.Oct 2013 (SDN)-Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in shirka dib u heshisiisinta goboladda Jubooyinka ee lagu qabanayo Magaalada Muqdisho uu xal wanaagsan u yahay arrimaha siyaasadeed ee ka taagan goboladda jubooyinka.
Xildhibaan Nuur Faarax waxaa uu daboolka ka qaaday in shirkaasi uu yahay mid loogu tallo galay inay beelaha jubooyinka degaa ay kaga tashadan aayaha gobolada jubooyinka isla markaasna laysugu keenayo dadka isku haya siyaasada goboladda jubooyinka,waxaana uu daboolka ka qaaday in loogu tallo galay in shirkaasi lagu soo afjaro arrimaha ka taagan gobollada Jubooyinka.
Ugu dambeyntii waxaa hadalkan Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac imaanaya xilli Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni shirkaasi ka soo horjeesteen isla markaasna ay sheegeen inaysan ka qayb galeyn shirka ka furmi doona Magaalada Muqdisho shirkaasi oo ay qaban qaabisay dawlada federaalka ah ee soomaaliya isla markaasna looga hadlayo aayaha goboladda Jubooyinka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com