|

Budhcad aan La Aqoonsan Oo Habeenkii Xalay Hargeysa Ku Dilay Wiil Dhallinyaro ah

Hargeysa:3-Oct-2013(SDN)-Waxa Habeenkii Xalay Magaalada Hargeysa Lagu Dilay Wiil Dhallinyaro ah oo lagu magacaabi Jirey Mustafe Cabdi Cali, waxana Dilkaasi Ka Dhacay Dhinaca Waqooyi ee Magaalada Hargeysa gaar ahaan Waddada 150-ka.

U GURMODilkana ayaa dhacay xalay Fiidkii Hore ee xalay waxana la sheegayaa inay Geysteen Dhallinyaro Tiradooda lagu sheegay ilaa Afar qof kuwaas oo marxuumka dilkiisa u adeegsaday Dhagaxaan ay si daran madax ugala dhaceen, taas oo keentay inuu marxuumku isla halkaas ku geeriyoodo.

Marxuumka ayaa la sheegay in markii ay mashaqadani qabsatay uu la socday Haweenay dhallinyaro ah oo sheeko ka dhaxaysay, taas oo iyadu Booliska u xaqiijisay  in marxuumka ay dileen dhallinyaro Budhcad ah kuwaas oo markii hore isku dayey inay ka qaadaan Mobile-ka Gacanta oo uu sitay, waxana uu isku dayey inuu iska Caabiyo.

Ciidamada Booliska ayaa iyagu bilaabay Baadhitaan laxaad leh oo ay ku baadigoobayaan Gacan-ku-dhiiglayaasha, walina lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtay dilka Marxuumkan.

Marxuum Mustafe Cabdi Cali ayaa la sheegay inuu  Afar maalmood ka hor ka qalin jabiyey Jaamacadda    Hargeysa, waxana Geeridiisa aad uga naxay Arday iyo Dhallinyaro badan oo ay wakhti badan soo wada qaateen.

Dilalka noocan oo kale ah ayaa si tartartiib ah ugu soo badanayey Somaliland gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo Beryahan dambe dilal is daba joog ahi ka dhacayeen.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed