Xisbiga Kulmiye Oo Qaab Aan Carruurtu u Hadaaqin Uga Jawaabay Sharci-jabinta Loo Haysto Xildhibaannadii Doolka Ugu Tegay
Hargeysa:3-0ct-2013(SDN)-Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Haatan ku soo Hambabaray inuu Badhtanka u fadhiyo Sharci-jabin iyo Darjiidhid uu ku sameeyey Xeerarka Dalka u yaalla, waxana uu soo saaray Bayaan looga jeedo in lagu jaahwareeriyo ku soo biiriddii xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Ka Soo jeeda Xisbiga Ucid.
Xisbiga Kulmiye oo Haatan haya Hoggaanka Dalka, islamarkaana markii hore indho la’aan ugu badheedhay inuu burburiyo Xeerarka Dalka u yaalla ee dabarka u ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka, ayaa Haatan isku qanciyey in Habka kaliya ee uu sharcijabintaas kaga badbaadi karaa ay tahay inuu dafiro tallaabooyinkii iyo raadadkii uu qaaday.
Xisbiga Kulmiye oo ay ku jiraan Rag aqoon iyo karti badan lagu tuhmayo ayaa shacijabintaas kaga jawaabay wanjalaad iyo dafiraad cad oo ay ku dafirayaan Munaasibaddii aanay u kala hadhin xukuumad iyo xisbi ee ay qaabka sharciga Dawladaha Hoose dhaafsiisan maalinta cad ugu sheegeen inay Hantiyeen xildhibaanno ka soo jeeda Xisbi mucaarid ah iyo Waliba Maayarka Magaalada Berbera oo Xisbiga Kulmiye wax weyn la noqday.
Xisbiga ayaa Habeenkii xalay Soo Saaray Bayaan Baal marsan Hannaanka Axsaabta qaangaadhka ahi u jawaabaan, waxana ay dafireen munaasibaddii ay 28-kii Bishii dhammaatay Magaalada Berbera ugu qabteen Maayarka Berbera iyo Xildhibaanka kale ee ku lingixnaa, iyagoo qaab aan ka fiirsasho lahayn xafladdaas ugu tilmaamay inay ahayd mid taageerayaal lagu soo dhaweynayey.
Qoraalkan oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaan meelnaba lagaga soo darin Lagu dafiray Hadalladii ay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye iyo wasiirrada Xukuumadda Goobtii lagu soo dhaweynayey Maayarka Berbera kaga faanayeen inay Hantiyeen oo Gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Tiirarkii magaalada Berbera, waxana ay isku Qanciyeen inay Baddali karaan Dhacdooyinka wali ka sii dhex guuxaya Quluubta iyo dhegaha Shacabka reer somaliland ee la yaabanaa sababta xisbigii talada Dalka Gacanta ku hayey uu ugu dhiirranayo inuu sharciyadda gacantiisa ku aaso.
Sidoo kale waxa uu xisbiga kulmiye isku dayey inuu caayo oo ku dheel dheelo garaadka iyo maskaxda Shacabka samaha jecel ee reer somaliland, waxana markii uu Otaaday inuu sharcigii ku tuntay miciinsaday kaliya inuu isku dayo inuu cadceedda sacabada ku qariyo, islamarkaana sawir kale ka bixiyo dhacdadii Berbera oo aan wali qallalin.
Xisbiga Kulmiye ayaa Bayaankiisan uu xalay soo saaray ku sheegay inay Munaasibaddaasi daarranayd Taageerayaal Xisbiga ku soo Biiray, iyadoo Dhammaanba Masuuliyiintii xisbiga iyo Wasiirradii madashaas ka hadlay aan marnaba afkooda laga maqlin taageerayaal baa nagu soo biiray, waxana ay isku dayayaan iyadoon afar cishoba ka soo wareegin munaasibaddaas inay Haddana dadka tusaan sawir ay u arkaan inay kaga Baxsan karaan sharciyadda ay dhabarka ka toogteen iyagoo waliba xukunkii wadanka Gacantooda ku haya.
Xisbul-xaakimka Kulmiye oo lagu majeeran jirey inuu dhinaca qaanqaadhnimada u janjeedho, ayaa Qoraalkiisani Caddaynayaa inaan wax koritaan ahi u sugnayn, waxana dafiraadoodan aan cilmiga ku dhisnayn loo Arkaa mid ay taladeeda leeyihiin Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Qaranka oo iyagu wali indhaha kala socda Muranka iyo kala fogaanshaha ay Bulshada ku keentay Arrintani.
War-saxaafadeedka uu Xisbiga Kulmiye Habeenkii Xalay Ku Dafiray Taariikhdiisa Qoyan Ayaa U dhignaa Sidatan:
Ku: saxaafadda
OG: koomiishankadooradhooyinkaqaranka JSL
Ujeedo: Bayaamin
Waxamaalmahan u danbeeyay saxaafada Somaliland kusoo noqnoqonayay, fasiiraado qaldan oo masuuliyiinta qaarkood kabixinayeen, xaflad uuxisbiga Kulmiye 28l09l2013 ugu qabtay magaalada Barbara taageerayaal cusub oo kusoo biiray iyo masuuliyiin cadeeyay inay la shaqaynayaan xukuumada Kumiye.
Xisbiga Kulmiye waxa uu halkan kaga jawaabayaa isla markaana ku cadaynayaa shacabka Somaliland iyo cidkasta oo ay khusayso arintani in xisbiga Kulmiye xafladaa kusoo dhaweeyay taageerayaal cusub oo hore uga tirsanaa xisbiga Ucid, waxa sidoo kale xaflada kasoo qayb galay maayarka magaalada Barbara c/shukuur Cidin iyo xildhibaan kale oo cadeeyay inay la shaqaynayaa xukuumada Kulmiye si loo xaqiijiyo himiladda horumarineed ee shacabka Somaliland gaar ahaan dagmada Barbara bals eaanay kabixin kana soo wareegin xisbigoodii Ucid.
Gabagabadii xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu iyagaa cid walba kaga adag dhawrista iyo ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka dalka.
Waxaanu uga digaynaa masuuliyiinta axsaabta mucaaradka ah inaanay shacabka ku jahawareerin fasiraadaha qaldan ee ay ka bxinayaan isla markaana fahmaan inay xisbi ku yihiin sidii ay uga shaqayn lahaayeen in bulshada la fahamsiiyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga dhex mara xukuumada dhexe iyo masuuliyiinta dawladaha hoose ee dalka.
AllaMahadLeh
Xasan Siciid Yuusuf
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com