|

Madaxweynaha Ruushka oo ka mid noqday dad loo xulay abaal marinta Nobel Peace Prize

Mascow Oct 03,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Ruusha Vladimir Putin ayaa ka mida dad loo xulay sanadkan in ay ka mid noqdaan ruuxa la guddoosiin doono abaal marinta Nobel Peace Prize.

Putin ayaa waxa magaciisa u guddbiyay guddi bixisa abaal marinta urur u ololeeya nabada oo la yidhaahdo Spiritual Unity and Cooperation of Peoples of the World.

Madaxweyne Putin ayaa la sheegay in uu abaal marintan ku muteysan karayo dedaalkii uu ka galay in la baajiyo weerar Mareykanku ku qaado dalka Syria.

Kooxda soo jeedintan sameysay ayaa sheegtay in madaxweyne Putin uu kaga haboon yahay abaal marintan madaxweyne Obaama oo 2009kii la gudoonsiiyay Nobel Peace Prize.

Madaxweynaha Ruushka ayaa mudadii uu xilka hayay waxa uu dagaalo ku qaaday dalka Georgia isla markaana waxa uu kooxo kacdoon ka waday Chechnya la galay dagaalo dad aad u faro badani ay ku dhinteen.

Guddida soo xuleysa ruuxa u qalma abaal marinta Nobel Peace Prize sanadkan 2013 ayaa goaankooda shaacin doona bishan aynu ku jirno 11keeda.

SDN-Moscow
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed