|

Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayihii guud ee hore Cumar Faaruuq

Mudisho, 03, October,  2013:(SDN)-Kulan ay Magaalada Muqdiso isugu
yimaadeen Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ay ka soo
qeyb-galeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Soomaaliya, Ururada Bulshada
Rayidka, iyo Mas’uuliyiin ka socday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa
xilka Xoghayenimada ka qaaday Cumar Faaruuq Cismaan, Iyadoo xilka
Xoghayaha guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed loo
magacaabay Cali Cumar Jimcaale.

Ugu horreyn kulanka waxaa ka hadlay Xildhibaanadii ka soo qeyb-galay
shirka kuwaa oo tilmaamay in Ururka Xiriirka Ururada Shaqaalaha
Soomaaliyeed uu yahay mid loo baahan yahay oo muhiimad u leh dowladda
Soomaaliyeed qeybna ay uga qaadan la haayeen dhowrista Xuquuqda
Shaqaalaha Soomaaliyeed islamarkaana waxey tilmaameen in Ururkaani oo
kale ay lahaan jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Hanti dhowraha guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed
Maxamed Nuur Xuseen ayaa kulanka kadib warbaahinta u sharraxay
sababihii xilka looga qaaday Xoghayihii hore ee Cumar Faaruuq Cismaan
Nuur.
“ Cumar Faaruuq Cismaan Nuur waxaa xilka looga qaaday qodobo dhowr ah
oo ay ugu horreyso musuq-maasuq iyo dhowris la’aan qodobo u degsanaa
Ururka.” Ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray, Kadib markii golaha fullinta uu arkay
xil-kasnimo la’aanta Cumar Faaruuq, Musuq-maasuq baahsan oo ay ka mid
tahay inuu dalka Jabuuti ku sameystay Account-ugaar ah islamarkaana
uusan la soo socodsiin guddoonka Ururka iyo golaha kaleba, Kadib
markii uu ka soo qeyb-gali waayay kulamada Ururka looguna yeeray kana
amar diiday yeeristii uu golaha u yeeray, Intaas kadib goluhu waxa uu
go’aan saday in Kulan labo maalin ah la isugu yimaado taasoo ku
beegneyd maalintii shalay ahey oo xilka looga qaaday Cumar Faaruuq
islamarkaana goluhu uu magacaawday Cali Cumar Jimcaale.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed
Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa xil-ka qaadista Xoghayihii guud ee hore
Cumar Faaruuq Cismaan Nuur uu u dhacay si waafaqsan sharciga u degsan
Ururka.

“ Xil ka qaadistii Cumar Faaruuq Cismaan Nuur wayay u dhacday si
sharci ah kaddib markii ay xubnaha Ururka ay si gacan-taag ah loogu
qaaday codka waxeyna si aqlabiyad leh ugu codeeyeyn in xilka laga
qaado Cumar Faaruuq” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixiyay kulankii shalay
furmay ee maanta la soo gaba-gabeeyay. Kulankii maanta ayaa ahaa mid
Ururka isku shaadheen lagu sameynayay.

Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyaha baaq u diray hay’adaha kale ee
xiriirka kala dhaxeeyo in Xoghayihii hore ee Ururku ku sameeyeen xil
ka qaadis islamarkaana uusan ma talin Ururka Xiriirka Ururada
Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Xafiiska Xiriirka Warbaahinta  Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Comments are closed