Lionel Messi Iyo Aabihiis oo Canshuur Bixin Sannado.By Jaahuur
Barcelona-Oct-3,2013-(SDN)-Akhyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu manta ku jaleeceynaa mucjisada kubadda cagta ee aduunka Lionel Messi iyo Aabihiis Gorje Messi oo lunsadey canshuurihii 2007-2009 ee carigaa Spain.
Xiddigan 26-tan jirka ah ee reer Argentine iyo Barcelonna iyo Aabihiis ayaa goradda ugu jira M4 oo Euros ($4.5m) oo canshuur isdabamarin ah.
Messi iyo Aabihiisna waxay ka dhawaajiyeen ineyna shuqul ku lahayn eedeyntan,arintan dhacdey waanu xalin doonaa sidaana waxaa ku nuux-nuuxsadey qareenkooda.
Maxkamad ku taala Gava kana fogeyn Barcelona ayaa su’aalo weydiisey iyaga oo kala gooni ah.
Ciyaaryahanka Messi oo ciyaartiisa faraha loogu gubtey ayaa naadiga weyn ee Baecelona ka qaata 16M sannadkiiba,intaa waxaa u dheer xayeysiika lacgta ka soo gasha kuwaas oo kala ah Banco Sabadell,Danone,Pepsi-Cola,Adidas,Proctor,Gambel iyo Kuwai Food Company.
Haddba Asxaabtay xiddigan reer Argentine ayaa 4-jeer ku guuleystey Fifa Player of The Year,laakiin cansuurtan loo haysto waxaa ka masuul ah Aabihiis.
W/qorey Jaahuur
qurbejoog.com