Ururka Suxufiyiinta Solja oo Daboolka ka qaaday inaanay wax baqdin ahi ka hayn Xeerka Saxaafada ee Xukuumadu dabada ka Riixayso {DHAGAYSO}
Hargaysa 02.Oct 2013 (SDN) Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Cabdi Curad ayaa maanta Shaaciyay in Urur ahaan aanay waxba ka qabin Xeerka Anshaxa Saxaafada ee ay Xukuumadu u Gudbisay Golaha Wakiilada waxaanu Xusay in Urur ahaan aanay jirin wax baqdin ah oo ay ka qabaan Xeerkaas.
Gudoomiye ku xigeenka Ururka Solja ayaa hadalkan ka Sheegay Munaasibad tababar loogu furayay Xubno ka tirsan Qaybaha Warbaahinta Somaliland kaas oo ay soo agaasintay Ururka Solja Waxa uu Gudoomiye ku Xigeenkani tilmaamay in Urur ahaan ay Taageersan Yihiin in Xeerkaas ay dood wada jir ah ka galaan Bah’da Warfidiyeenada ee uu saamaynta gaarka ah ku leeyahay, Aqoonyahanada iyo inta danaysa Xeerkan.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Curadoct2.mp3″]
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Gudoomiye ku xigeenka Solja
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com