Idaacada ku hadasha Afsomaliga ah ee Inspire Radio oo imika isu bedeshay inay barnaamujyada u soo tabiso toos (Live) : Jaaliyada Somalida ee Luton iyo Milton keyns, UK.
waxanu dhamaan la ogeysinaya dadka Somalida ah ee Ku nool magaaloyinka Luton iyo Milton keynes. Inanu ka furay magaalada Luton bishii June sanadka 2013 imikana bilawday inay (live) barnaamuyadu noqdaan, Idaacad FM ah kaso hawada aad kala socon doonta hererkeeduna yahay FM 105.1 , maalinkasta oo Axada saacadu markay tahay 5:00 galabnimo. Waa siday marka hore ku bilaabmi doonto Idaacadu, kadibna waxanu isku dayi doona inanu saacadaha kordhino inshala.
Waxa hadaba Idaacada looyaqaan Inspire ka Madax ah kana hawlgeli doona Wariyaha ruugcadaha ah ee Amina Weheliye oo hore uga soo shaqaysay Idaacada BBC, Universal Television imika ka hawlgasha Horn Cable Television.
Halka uu Ku xigeenka Idaacda ka yahay iyo taftiraba , Mudane Adan Jama Kahin oo isla markaana ka ah tafatire wargeyska loo yaqaan Onkod. Xarunta Idaacada waa magaalada Luton, waxana lagaga hadlaya arrima ku saabsan bulshada , dhaqaalaha, waxbarashada iyo wixii la mid ahba ha u daymo la’an ee la socda.
Idaacadu waxa u socota maalinta (live) ama toos qofkii doonana telefonka, facebooka iwm ayuu kaga qayb qaadan kara. Waxana ka hawlgala wariyayal kale oo ka mid yihiin Suaad Madar iyo Abdi.
Waxa kale oo iyana nagala qayb qaadan doona barnaamujyada Jamaca Sugule, Sucaad iyo dadkale oo aad barandoontanba.
Hadaba ha moogaan oo yuu ku dhaafin barnaamujyadiisi.
Mahadsanidin.
Jaaliyada dadka somalida ah
Ee Magaaloyinka Milton keynes iyo Luton.